IMG_4288
Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo socdaal qaatay ku dhowaad laba todobaad safar ku marayay gobolada dalka Beri iyo galbeed, ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyay caawa kadib markii uu kusoo laabtay Magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo oo labadii maalmood ee u danbeeyay ku sugnaa xarunta gobolka Saaxil ee magaalada Berbera, wuxuu magaalada xeebta ah ee Berber aka filiyay furitaanka iyo dhagax dhiga mashaariic baddan oo xukuumaddu ka fulisay halkaa iyo kuwo waqtigan la doonayo in laga fuliyo, kuwaas oo isugu jira Balaadhin lagu smaynayo dekedda Berbera, dhismayaal Garoomo Kubadda Cagta ah iyo mashaariic kale oo ay qaarkood fulisayso dawlada Hoose ee Berbera.

 

 

 

Madaxweynuhu waxa uu Berberamadaxweynesilanyo1 Dekeda berbera2 maanta dhagax dhigay mashaariic kala duwan isaga oo ku sugan gobolka saaxil magaalo madaxdiisa berbera, kuwaas oo ka kooban waddo 8Km ah oo ku soo wareegidoonta magaalada Berbera, dhismaha Afar garoon oo kubada cagta ah oo dhalinyarada xaafadaha ay u samayn-doonto dawlada hoose, si loo nasiyo garoonka wayn ee maayar cabdalle Stadium , dhismaha fooq laba dabaq ah oo wasaaradda Maaliyadu ka dhisan doonto gobolka.

 

firitanka baladhainta dekedaberbera dekedaqalab2 Dekedaberberaqalab1

 

 

Dekeda berbera2 dekedaberberamadaxweynaha1 Berberamadaxweynesilanyo1
Sidoo kale waxa ku jira mashaariicda Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay ee magaalada Berbera dhismaha guri fooq ah oo noqon doona ka ugu quruxda badan magaalada, kaas oo loogu talo galay rugta akhriska ( library ) ee gobolka saaxil, dhismaha Bijka (Beach) Berbera oo ay hirgelindoonto dawlada hoose, dhismaha laba istaan oo ay ugu talo galeen in lagu ururiyo baabuurta waa weyn iyo kuwa yaryar si gobolku u yeesho meelo loogu soo hagaago baabuurta.

 

 

IMG_4288 xafladaberbera

 

 

 

 

 

 

Qorshaha mashaariicdaa waxa kale oo ku jira beerida 2000 oo geed timir ah oo loogu talo galay marka ay wadada sameeyaan dawlada hoose ee ay kala saaraan dadweynaha iyo Baabuurta in lagu beero koonayaasha wadada masuuliyiinta Dekeda iyo Maayarka Degmada, ayaa hormood u ah qorshayaasha iyo mashaariicda cusub, iyadoo Maareeyaha Dekedda Eng, Cali Xoor Xoor iyo Maareeye xigeenkiisa Cumar Daahir madaxweynaha iyo wefdigiisa kaga yaabiyeen dedaalka ay ugu jiraan sidii Dekeda magaalada berbera u noqon lahayd mid isku filan oo qalabkeeda iyo adeegyada ay qabanaysaa noqdaan kuwo isku filan, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo ku amaanay masuuliyiinta Delkedda iyo Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin dedaalkooda.

dhagaxdhiga mshaaricdaberbera1 dhgaxdhga masharicdaberbera2 IMG_4296 Mayarka berbera iyo Madaxweynaha

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com