silanyoberbera
Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo labadii maalmood ee u danbeeyay ku sugnaa Magaalada xeebta ah ee Berbera, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa.
Booqashada Madaxweyne Siilaanyo oo aan la ogayn ujeedadeeda, ayaa u muuqatay mid temeshle ah, waxaana la filayay inuu safarkiisa Magaalada Berbera usii dhaafo dhinaca Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, balse waxa safarkiisa soo dedejiyay geeri ku timi qof Ehelkiisa oo ku geeriyooday Hargeysa, sida ay sheegayaan warar xog ogaal u ah.
Halkan ka Daawo Madaxweyne Siilaanyo oo kusoo laabtay Caasimadda Hargeysa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com