Araweelo News Network

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabile 7-da Xubnood ee uu ka kooban yahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Komishanku waxay Madaxweynaha warbixin faah-faahsan ka siiyeen habsami u socodka hawlihii diwaan-gelinta, kaadh-qaadashada iyo u diyaar garowga qabsoomida Doorashada Madaxtooyada 13.11.2017. Komishsnku waxay Madaxweynaha si mug iyo miisanba leh ugaga mahad naqeen sida hagar la’aanta ee ay Xukuumadiisu hiil, hoo iyo dhaqaaleba ula garab is taagtay hawlaha baaxadda leh ee ay KDQ ummadda u hayaan. Sidoo kale waxay Madaxweynaha u sheegeen inay iyaga Kkomishan ahaan ka go’an tahay inay Idamka ALLAH Doorashada Madaxtooyada ku qabsoonto xilligii loogu tala galay 13.11.2017.

KDQ waxay xisbiyada tartamaya ugu baaqeen inay Murashaxiintooda ku soo gudbiyaan muddo 45 xisho ka hor maalinta loo qoondeeyey doorashada.

Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha. Kulankaasi wuxuu ku soo gaba gaboobay Guul iyo is afgarad. Isagoo madaxweynuhuna ku dhiirigeliyey hawsha qaran ee ay hayaan Allena uga baryey inuu ku asturo una dhib yareeyo hawlaha doorashada.