DSC_0189Djibouti(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Djibouti ee xarunta u ah Dalkaa. Kadib markii uu safar ugu baxay maanta halkaa.
Raysal Wasaaraha Dawlada Djibouti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo hogaaminaaya Xubno ka mida Dawlada Djibouti oo u badan wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibeda dalkaa Maxamuud Cali Yuusuf, masuuliyiin kale iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Djibouti Maxamed Xirsi qalinle, ayaa wefdiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha.

DSC_0189 DSC_0191(1) DSC_0191(2) DSC_0199 DSC_0201 DSC_0207 DSC_0217

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka dirsan Ciidamada Dawlada Djibouti oo ku sugnaa Madaarka Caalamiga ah ee Djibouti, waxaana markaa ka dib loo gudbiyay Madaxweynaha Hotel Palce Kempinski ama Kambiisi, halkaas oo qadar daqiiqado ah ka dib uu ku soo booqday Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti ismaaciil Cumar Geelle, waxayna labada Madaxweyne kulan qaatay dhawr saacadood iska xog waraysteen xaaladaha siyaasadeed ee Mandaqada iyo xidhiidhka labada Dal.

Waxa la filayaa in saacadaha soo socda ay dhacaan kulamo iyo martiqaadyo dhawr ahi oo Madaxweynuhu la yeelan doono madax kala duwan, kuwaas oo aanu idin soo tebin doono insha allaah

Xubnaha Madaxweynaha ku wehelinaaya Safarka

1. Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde

2. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis

3. Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan

4. Wasiirka Beeraha Prof. Geedoole

5. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir

6. Gudoomiye ku xigeenka Wakiilada Baashe Maxamed Faarax

7. Gudoomiye ku xigeenka Guurtida Siciid Jaamac Cali

8. Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali

9. Xildhibaan Nacnac

10. Xildhibaan Kijaandhe

11. Protocol ku xigeenka Madaxtooyada Caydaruus Mahdi Xaashi

12 Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Naasir Yuusuf Daahir

13. Gudoomiye ku xigeenka Dawan Cumar Maxamed Faarax

14. Gudoomiyaha Wargeyska Somalilandtoday, Muniir Axmed Cige

15. Gudoomiyaha Wargeyska Waaheen, Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com