Araweelo News Network

Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Hargeysa(ANN)-Madaxwyenaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magcaabay xilkii uu baneeyay mid Ka mid ah Masuuliyiin ka tirsnaa xukuumaddiisa oo saaka iska casilay.

Magcabista masuulkaa, ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska Afhayéenka Madaxtooyadda oo u qornaa sidan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5160/102017 uu ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Ismaaciil Cabdi Xasan (Fara-dheere), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL