Madaxweyne Siilaanyo 10 Nov 2015

Madaxweyne Siilaanyo 10 Nov 2015

Hargeysa (ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa farriin hambalyo iyo dardaaran culus xambaarsan u diray murrashaxa xisbiga KULMIYE. Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne-ku-xigeenka , Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad kooban ka jeediyey xidhitaanka shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE oo la soo afmeeray shalay, waxa uu yidhi; “Waxaan ugu baaqayaa hal-doorka xisbiga KULMIYE in ay midooban, wixii turxaan iyo tabasho ah ee dhex yimina wadahadal ku dhammaystiraan. Waxaan u dardaaraya Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee ah murrashaxa Madaxweynaha mustaqbalka, inuu dedaal dheer u galo midnimada iyo isku haynta xisbiga.”
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku hambalyeeyey hoggaanka KULMIYE, Guddiga Fulinta iyo xubnaha Golaha Dhexe guusha shirkoodii golaha dhexe ku dhammaaday, isagoo hambalyo u diray murrashaxiinta xisbiga KULMIYE uga qaybgeli doona doorashooyinka guud ee Somaliland sannadka 2017.
Waxa kaloo Md. Siilaanyo uu hambalyo iyo bogaadin gaar ah u diray Wasiirka Caafimaad Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo lagaga guulaystay murrashaxnimada jagada madaxweynenimo KULMIYE oo uu kula tartamay Saylici.
“Waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Caafimaadka mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo si fiican u tartamay, inkastoo aannu ku guulaysan damaciisii, hase yeeshee wuxuu muujiyey dedaal iyo bisayl siyaasadeed oo badan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu si guud ugu mahadnaqay marti-sharafta kala duwan ee ka qaybgalay shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, isagoo sidoo kalena ka mahadceliyey shahaado-sharaf Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ku maamuusay.
Dhinaca kale, Murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo khubad ka jeediyey xidhitaanka shirkii golaha dhexe ee shalay, ayaa sidoo kale baaq soo dhawayn ah u diray Isbahaysiga murrashaxiinta iyo taageerayaashooda cadhada kaga maqnaa shirkaas.
“Waxa aan halkan baaq uga dirayaa mujtamaca Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan bah-weynta KULMIYE, siiba saaxiibadaydii cadhada kooban nooga maqnaa maalmahan dambe. Waxa aan leeyahay wada-jirka iyo is-kaashiga ayaa horseedi kara horumar Xisbi.
Xisbiga KULMIYE waa Xisbigiinii, waa Xisbi qaran oo xoog badan, oo dhismay oo ku taabo galay tacab kiinii, Khilaafku waa sunaha siyaasadda, waxaannu la socdaa nolosha aadamaha guushu se waxay ku jirtaa xallinta khilaafka, sidaa darteed, waxan soo jeedinayaa in aynu isu nimaadno ka wadahadalo wixii jira kana heshiino, ku soo dhawaada Xisbigiinii oo idin jecel,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380