Madaxweyne Siilaanyo iyo Badhasaabka berbera 30 May 2015

Booqashada Madaxweyne Silaanyo ee Berbera

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa safar gaaban oo aan hore loo shaacin ugu baxay maanta dhinaca magaalada Xeebta ah ee Berbera,iyadoo aan la ogayn ujeedada dhabta ah ee safarka Madaxweynaha. soo

Hase yeeshe sida sheegayaan warar la xidhidha safarka Madaxweynaha waxa la filayaa inuu xadhiga ka jaro mashaariic la xidhidha waxyaabo lagu kordhiyay Dekedda Iyo Haammaha shidaalka ee magaalada Berbera.

Muuqaalka

Muuqaalka Soo Dhowayntii Madaxweyne Siilaanyo ee Berbera 30 May 2015.

Muuqaalk  soo dhowayntii Madaxweynaha ee Berbera

Muuqaallka soo dhowayntii Madaxweynaha ee Berbera

Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo, oo aan la ogayn inta uu qaadan doono, ayaa kusoo beegmay xili muran siyaasadeed oo ka dhashay Heshiiskii Axsaabta Qaranka ee xukuumaddu gadhwadeenka ka ahayd oo khilaafsan go’aanka muddo-kordhinta golaha guurtida muran siyaasadeed ka taagan yahay, iyadoo Heshiiskaa golaha guurtidu fadhi uu maanta ka yeeshay ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn Dastuurka iyo qawaaniinta dalka, isla markaana ku tilmaameen mid aan soconayn oo aanay sinaba u aqbalayn.

Araweelo News Network

Somaliland Office

Email info@araweelonews.com

Jaamac132@gmail.com

Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.