Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa safar galab caraw ah ugu baxay Gobolka Saaxil gaar ahaan Magaalo Madaxdiisa Berbera.


Madaxweynaha iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey deegaamada Dacar-budhuq, Abdaal, Lafa-ruug, Xamaas, Dara-godle iyo Magaalada Berbera oo ay soo gaadheen makhribkii.


Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid shaqo oo uu ugu kicitimay dhinaca gobolada Saaxil iyo Togdheer, waxaana maalmaha soo socda la filayaa in madaxweynuhu mashaariic horleh xadhiga ka jaro kuwo kalena dhagax-dhigo.