Araweelo News Network

 

Somaliland President
Ahmed Silanyo

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa caddeeyey in ku dhaqanka hannaanka dimuqraadiyaddu yahay danta reer Somaliland ee saldhigga u ah nabadgelyada iyo horumarka.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada xalay, Madaxweyne Axmed Silaanyo oo ay wehelinayeen Madaxweyne-ku-xigeenka, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Af-hayeenka Madaxtooyada iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, waxa uu hadalkan ka caddeeyey kulan ay xarunta Madaxtooyada kula qaateen wefti ka kooban safaaradaha 6 waddan oo ka mid ah Midowga Yurub (EU) iyo dalka Ingiriiska-UK shalay, kuwaasoo u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, fadhigooduna yahay magaalada Nairobi, weftigaas oo ay ka mid ahaayeen;
1. Safiirka Midowga Yurub-EU- (EU Ambassador, Veronique Lorenzo);
2. Safiirka Dalka Denmark (Ms. Mette Knudsen);
3. Safiir-xigeenka Dalka Holland (Tijmen Rooseboom),
4. Madaxa Dawladda Ingiriiska ee u qaabilsan Somaliland (Mrs. Rosie Tapper);
5. Qusulka Safaaradda Faransiiska (Mr. Emmanuel Dagron);
6. Wefti dhawr Xubnood ah oo matalayey Dawladda Finland ;
7. La-taliyaha Maamulka ee Hay’adda Iskaashiga Caalamiga dalka UK DFID (DfID Governance Adviser, Angus Miller)
Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo ayaa ugu horraan wuxuu weftiga Danjirayaasha dalalka safka hore kaga jira taageerada horumarinta Somaliland uga mahadnaqay booqashada qiimaha leh ee ay ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo waqtigoodaa qaaliga ee ay u soo hureen. Madaxweynuhu wuxuu xubnaha weftiga u sheegay in Waddamada ay matalaan yihiin saaxiibo qiimo badan oo ay Somaliland leedahay, oo si joogto ah Somaliland uga taageera xagga Horumarka iyo Hannaanka Dimuqraadiyadda. “Sidaa darteed, waxa labadeena dhinacba la innooga baahan yahay in la dardar-geliyo, lana xoojiyo xidhiidhka iskaashi iyo danaha dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalalka aad meteshaan,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxa kaloo Madaxweyne Silaanyo uu xubnaha weftiga si gaar ah ugala hadlay arrimo muhiim ah oo lagama maarmaan u ah danaha iyo maslaxadaha dalka iyo dadka Somaliland, oo ay ugu mudnaayeen nabadda iyo xasiloonida dalka iyo doorashada Madaxtooyada ee innagu soo fool leh. Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Weftiga Danjirayaasha iyo weftigii ay hoggaaminayeen si gaar ah ugaga mahadnaqay taageerada iyo kaalmada ay sannado badan ka geystaaan Geeddi-socodka Hannaanka Dimuqraadiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

“Jamhuuriyadda Somaliland waa dal ka soo kabtay cadaadis, colaado iyo dagaallo ummadooda lagula kacay, kuwaasoo soo taxnaa sannadihii 80-nadii ilaa 90-shanadii. Somaliland waa dal ku guulaystay inuu dhiso qaran ku qotoma nabad, xasilooni iyo hannaan dimuqraaddi oo dhab ah. Geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hano-qaaday dalkayaga waa mid si dhab ah uga ka go’an Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, taasina waxaa markhaati cad u ah doorashooyinkii kala duwanaa ee Somaliland ka qabsoomay, kuwaasoo dhammaantood ku dhacay sifo dimuqraaddi, hoggaanka dalkana loola kala wareegay isu-hanayn, niyad-sami iyo isu hambalyayn. Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay iyo Komishanka Doorashooyinkaba waxa ka go’an qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada ee innagu soo fool leh, taasoo u muddaysan 13.11.2017,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxa kaloo Madaxweyne Silaanyo u caddeeyey weftiga in aanay jirin cid dabada ka riixaysa doorashooyinka Somaliland, balse ay yihiin qaar ka go’an ummadda iyo dawladda Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxaan jecelahay inaan halkan idiinku caddeeyo in qabsoomidda doorashadu aanay ahayn mid ay dabada ka riixayaan amma ay nagu qasbayaan dalalka aad metashaan iyo daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada, laakiin waa mid aannu annagu rabno oo naga go’an. Ku dhaqanka hannaanka dimuqraadiyadda dantayada ayaa ku jirta, waana saldhigga nabadda iyo hurumarka dalkayaga ka hano-qaaday oo ah astaamaha wacan ee Somaliland lagu tilmaansado.”

Madaxweynaha Somaliland, ayaa u sheegay xubnaha weftiga ah ee uu kulanka la qaatay in tallaabooyinka kala duwan ee Somaliland u qaaday dhinaca horumarka hannaanka dimuqraadiyadda, waxaannu yidhi; “Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay waxay qaaday tallaabo kasta oo suurtogalinaysa inay dalka ka qabsoonto Doorasho Madaxtooyo oo xor iyo xalaal ah, annagoo kafaalo qaadnay wixii kharash ah ee hawshaa ku baxaya.

Dhinaca kale, hawl-wadeenada Xukuumadda waxaan awaamiir adag ku siiyey in ay juhdi iyo dedaal badan geliyaan gudashada xilka kaga beegan meel-marinta qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada ee innagu soo fool leh, taasina waxaa tusaale wacan u ah digreetooyinkii aan soo saaray ee khuseeyey: Reebbanaanta u adeegsiga Hantida Qaranka Ololaha Xisbiyada; Isticmaalka Warbaahinta Dawladda iyo fagaarayaasha wakhtiga Ololaha Doorashada iyo Gacan-siinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka.”

 

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, diblomaasiyiinta ka socday dalalka saaxiibka la ah Somaliland oo iyaguna hadal ka jeediyey kulanka ay la qaateen Madaxweyne Silaanyo, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin qaabka loo wado hawlaha doorashooyinka.
“Safiirka Midowga Yurub- Ms Veronique Lorenzo, Safiirka Dalka Denmark Ms. Mette Knudsen iyo Madaxa Dawladda Ingiriiska ee u qaabilsan Somaliland Mrs. Rosie Tapper saddexdan Danjire iyagoo ku hadlaya magaca weftiga waxay dhammaantood halkaa hambalyo iyo amaanba uga soo jeediyeen Madaxweynaha, Xukuumaddiisa iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka; iyagoo hoosta ka xarriiqay sida ay ugu qanacsan yihiin hannaanka iyo sida wacan ee ay u socdaan u diyaar-garowga Doorasha Madaxtooyada soo socota,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Waxaannu intaas ku daray; “Saddexdan Danjire waxay si gaar ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu ammaaneen sida ay Xukuumaddiisu muddo yar gudaheed ugu guulaysatay inay dhammaystiraan dhammaanba Kaabayaashii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada sida dhammaystirka Diwaangelinta Codbixyeyaasha, qaybinta Kaadhadhka Codbixiyeyaasha, Bixinta kharshkii Komishanku ku hawlgalayey, diyaarinta Agabkii lagu galayey Doorashada iyo Diwaaangelinta u tartamayaasha jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka. Tallaabooyinkan oo ay ku tilmaameen tallaabooyin ku dhac leh oo uu Madaxweynuhu qaaday, arrimahanina ay u adeegi doonaan Taariikh Nololeedkiisa iyo Dhaxal-reebka ay ummaddiisu ku xasuusan doonto.

Weftiga Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland waxa kale oo ay hoosta ka xarriiqeen sida ay ula dhacsan yihiin wareegtooyinkii uu Madaxweynuhu soo saaray 30 September 2017 oo ay ku tilmaameen inaya ahaayeen “Hiigsi xaasaasi ah oo aad qaran ahan gaadheen.”

Ugu dambayntii, weftigii Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee Madaxweynuhu qaabilay taageerada ay u hayaan in Somaliland ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Taasina ay kor u sii qaadi doonto taageerada, sumcadda, karaamada iyo kalsoonida ay Beesha Caalamku ku qabto Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay ummadda Somaliland ku booriyeen in doorashada soo socota 13.11.2017 looga qayb qaato si nabad gelyo leh, iyagoo tartamayaasha ku dhiirri galiyey inay aqbalaan una hoggaansamaan natiijada ka soo baxda doorashada,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Xuseen Aadan Cige (Dayr).