socdaalka Madaxweynaha ee GalbeedkaHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Booqasho Hawleed Ku Maraya Deegaano ka Tirsan Galbeedka Somaliland ayaa si lama filaan ah caawa uga soo baxay Magaalada Boorama ee xatunta gobolka Awdal oo la filayay inuu caawa u hoydo , kadib markii uu galabta gaadhay halkaa.

 
Lama ogga sababta dhabta ah ee Madaxweynaha iyo Wefdigiisa oo si balaadhan loogu soo dhoweeyay deegaamada Boorama, Arabsiyo,Gebilay, Dila ,Boon iyo Baki oo maanta uu cagta sii dhigay uga soo baxay Magaalada Boorama, isagoo usoo jihaystay dhinaca safar guure ah caawa caweyskii dhinaca Magaalada Wajaale oo ah magaalo ganacsi oo ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia ee dhinaca Galbeedka.
Hase yeeshee warar kala duwan oo shebekadda wararka Araweelo News Network ka heshay xubno ka mid ah wefdiga Madaxweynaha oo xaqiijiyay in safarka Madaxweynahu usoo jihaystay caawa dhinaca Wajaale, ayaa sheegay inay suurta gal tahay inuu Magaalada Wajaale u hoydo, balse warar kale oo la xidhiidha socdaalka wefdiga Madaxweynaha, ayaa sheegaya inuu caawa u hoyanayo Alaybaday oo ku taal duleedka xadka dhinaca Galbeed ay kala wadaato Somaliland Ethiopia, isla markaana uga sii gudbo maalinta beri dhinaca deegaamada hawdka ee Koonfurta Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu saacado kooban joogay Boorama, isagoo kulamo la yeeshay Salaadiinta, Odayaasha, Culimada iyo Waxgaradka Awdal oo ay ka wada hadleen xaaladda amniga iyo arrimo kale.
Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu maalinta Beri isaga gudbo deegaamada Galbeedka ee dhinaca Hawdka ilaa dhinaca Bariga, waxaana la filayaa inuu gaadho maalinta Khmaiista ee beri deegaamo ka tirsan Bariga Somaliland.
Wixii kasoo kordha safarka Madaxweynaha kala soco Araweelo News Network.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com