Araweelo News Network

Somaliland President
Ahmed Silanyo

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo saaray saddex wareegto oo la xidhiidha isticmaalka hantida qaranka, warbaahinta dawladda iyo ciidammada qaranka waqtiga lagu jiro ololaha doorashada madaxtooyada ee u muddaysan 13ka bisha November ee soo socota.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada xalay oo lagu shaaciyey wareegtooyinka Madaxweynaha oo xambaarsan amarro waaweyn waxa ay iyagoo faahfaahsan u qoran yihiin sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/P/WM/ -50 /092017 uu ku dhaqan geliyey saddexdan arrimood: 1. Reebbanaanta U Adeegsiga Hantida Qaranka Ololaha Xisbiyada, 2. Isticmaalka Warbaahinta Dawladda iyo Fagaarayaasha Wakhtiga Ololaha Doorashada iyo 3. Gacan Siin Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Ø Ujeeddo: Wareegto Madaxweyne; Reebbanaanta U Adeegsiga Hantida Qaranka Ololaha Xisbiyada

Ku: Golaha Wasiirrada JSL Hargeysa
Ku: Guddoomiyeyaasha Gobollada JSL Xarumahooda
Ku: Guddoomiyeyaasha Degmooyinka JSL Xarumahooda
Ku: Madaxda Hay’adaha Dawladda ee Madaxa Bannaan Xarumahooda
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka Hargeysa

Mudanayaal,

Sida aynu wada ognahay, waxa dalka ku soo fool leh doorashada Madaxtooyada oo u qorshaysan 13-ka November, 2017-ka. Sidaa darteed, waxa reebban in hantida qaranka nooc kasta oo ay tahay ba in loo adeegsado ololaha doorashada ee axsaabta qaranku ay ku loolamayaan.

Waxa kale oo reebban in Shaqaalaha Dawladda, Saraakiisha iyo Xubnaha Ciidammada ee kala duduwani, in ay galaan ololaha doorashada ee axsaabta qaranka.

Waxaan rajaynayaa in amarkaasi oo sidiisa u fulo. Cid kasta oo baal martana, waxa laga qaadi doonaa tallaabo ku habboon oo sharciga waafaqsan.

Ø Ujeeddo: Wareegto Madaxweyne; Isticmaalka Warbaahinta Dawladda iyo Fagaarayaasha Wakhtiga Ololaha Doorashada

Ku : Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Hargeysa
Ku: Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka JSL Xarumahooda
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka Hargeysa
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa

Mudanayaal,
Sida aynu wada ognahay, waxa dalka ku soo fool leh Doorashada Madaxtooyada oo ku muddaysan 13-ka November, 2017-ka. Sidaa darteed, aniga oo ka duulaya Qodobka 26aad ee Xeer Lr. 20-2/2005, iyo Xeerka Hab-dhaqanka ee Xisbiyada oo faraya in Xisbiyada Qaranka u sinnaadaan muddada ololaha doorashada isticmaalka warbaahinta dawladda iyo fagaarayaasha khayriyadda.

Waxaan idin farayaa, idinkuna adkaynayaa in loo sinnaado muddada baahinta (hawo kujiridda) ee Idaacada Hargeysa, TV-ga Qaranka iyo Wargeysyada Dawladda, isla markaana si isku mid ah loo adeegsado fagaarayaasha khayriyadda ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Waxaan mar labaad, idin farayaa in aad dhaqan gelisaan shaxda qoondaynta ololaha ee saddexda xisbi qaran iyo sii deynta barnaamijyada ololaha doorashada ee ay soo saarayaan Komishanka Doorashooyinka, si loo helo in dalka ay ka qabsoonto doorosho xor iyo xalaal ah oo loo siman yahay.

Ø Ujeeddo: Wareegto Madaxweyne; Gacan Siin Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ku: Golaha Wasiirrada JSL Hargeysa
Ku: Guddoomiyeyaasha Gobollada JSL Xarumahooda
Ku: Taliyeyaasha Ciidammada Xarumahooda
Ku: Guddoomiyeyaasha Degmooyinka JSL Xarumahooda
Ku: Madaxda Hay’adaha Madaxa Bannaan Xarumahooda

Mudanayaal,

Sida aynu wada ognahay, waxa dalka ku soo fool leh Doorashada Madaxtooyada oo u qorshayan 13-ka November, 2017-ka. Sidaa darteed, idinka oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda aad qaranka u haysaan, waxa la idin farayaa in aad ka gacan siisaan Komishanka Dooraashooyinka Qaranka gudashada waajibaadka qaranka ee ku aaddan qabsoomidda doorashada Madaxtooyada, idinka oo raacaya shuruucda iyo xeerarka Dalka u dejisan.

Waxaan mar labaad, idinku adkaynayaa in aad gacan buuxda ka siisaan Komishanka heerarkiisa kala duduwan ee qaran, gobol, degmo iyo goob kasta, kana digtoonaataan wax kasta oo u muuqan kara fara-gelin, una diyaarisaan goobaha ay u baahan yihiin sida Dugsiyada, Xannaanooyinka, Goobaha Dawladda ee ay u baahdaan.

Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qaranka, waxa si gaar ah loo farayaa in ay ka gacan siiyaan Komishanka heer Gobol, heer Degmo iyo heer goobeedba, hawlaha nabadgelyada iyo xasilinta amniga, muddada doorashadu socoto ka hor iyo kadib, iyaga oo ahmiyad weyn iska saaraya arrimaha keeni karaya nabad-gelyo darrada.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Naasir Yuusuf Daahir
Director Presidential of Media