silanyoHargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tilmaamay in qadarin iyo waynayn gaar ah ay muddan tahay maalinta Qaranimada ee 18-ka bisha May, taas oo sannad walba reer Somaliland u sameeyaan dabbaaldegyo ballaadhan.

Sidaana d waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay wareegto uu ku magacaabay guddida qabanqaabada xuska sannad-guurada 24aad ee maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May oo muddo bil ahi ka hadhsan tahay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada caawa oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha saxaafadda u qaabilsan Mr. Naasir Yuusuf Daahir, kaas oo lagu faahfaahiyey digreetada Madaxweynaha ee magacaabista guddi ka kooban 11 xubnood oo u badan wasiirro ka shaqayn doona u diyaargarowga xuska 18-ka May, waxa uu u qornaa sidan;-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3185/042015 ku magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye)

Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

Ku: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Ku: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga

Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa

Ku: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada

Ku: Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Aadamaha

Ku: Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac

Ku: Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

Ujeeddo: Magacaabid Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May

Mudanayaal iyo Marwooyin; Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Alle idmo Xuska sannad-guurada 24aad ee maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.

Sidaa darteed, waxaan masuuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee qaban-qaabada Xuska Sannad-guurada 24aad ee maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabada ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan ka rajaynayaa in ay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.