DSC_0213

photo file

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa qorshaystay safar uu doonayo inuu ugu baxo gobolada bariga Somaliland, kaas oo diyaar garawgiisa laga dareemayo saacadihii u danbeeyay Madaxtooyadda Somaliland.

Ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha safarka Madaxweynaha Somaliland ee gobolada bariga iyo halka uu ku waajahanyahay oo kasoo baxay madaxtooyadda, balse sida ay shebekada wararka ee Araweelo News Network ka heshay ila wareedyo ku dhow qasriga Madaxtooayada, waxa saacadihii u danbeeyay laga dareemayay dhaq-dhaqaaq la xiodhiidha diyaar garawga safarkaa oo Madaxweyne Siilaanyo ugu xadhka xidhtay gobolada bariga Somaliland, isla markaana ujeedada ugu weyn ee safarku tahay dhismaha wadada isku xidhay magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag iyo gobolada galbeedka, taas oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u tafa xaydatay, balse aan waxba ka dhowayn.

Wararka la xidhiidha Booqashada Madaxweynaha ee gobolka Sanaag, ayaa la filayaa inuu xadhiga ka jaro 30 Km oo wadada waqtigan diyaar ah oo lagu shibayo Daamurkii, iyadoo 30km ee diyaarka ah u qaysan yihiin 10km oo dhinaca Magaalada Ceergaabo laga soo bilaabay, 5km oo Ceelafweyn, 5 km oo Garadag ah iyo 10km oo dhinaca Ina Afmadoobe laga bilaabay, qaybahaa oo waqtigan diyaar ah.

Hase yeeshee ila wareedyada ay soo xigatay shebekadda Araweelo News Network, ayaa  saacadihii danbe ee caawa xaqiijiyay in safarka Madaxweyne Siilaanyo ee ku waajahnaa dhinaca gobolada Bari dib u dhac ku yimi sababo la xidhiidha hawshii uu u tegi lahaa ee ahayd 30km oo wadada Ceergaabo laga hirgeliyay sadex meelood oo laga bilaabay oo dib u dhac ku yimi. kadib markii ay qabyowday hawshu ee sida ay xogahaasi sheegeen Daamurkii lagu shubi lahaa ka habsaamay, waxayna wararka la xidhiidha dib u dhaca ku yimi safarka Madaxweynaha sheegeen in dib loogu riixay ilaa todobadka danbe 10 – 11 Jan 2015.

Booqashada Madaxweyne ee dib u dhacu ku yimi ee ku waajahan gobolada dhinaca bari, ayaan la oggayn  inuu deegaamo kale uga gudbi doono todobaadka danbe marka uu safarkaa u anbabaxo iyo in ujeedada booqashadiisu ka balaadhantahay xadhig ka jarista 30km oo wadada ah iyo inay u qorshaysantahay inuu cagta geliyo deegaamo kale oo dhinaca bariga Somaliland ah, kuwaas oo ay ka jiraan tabshooyin baddan oo aanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxba ka qaban, isla markaana ka mid ahaa waxyaabihi xiligii ololaha doorashada 2010, dadka deegaankaa loo balanqaaday oo ay ugu muhiimsan yihiin helitaanka adeegyada aasaasiga ah sida goobaha Waxbarshadda, Caafimaadka iyo Biyaha oo aan kaba jirin deegaamada bariga intooda baddan.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com