madaxweyne Silanyoxafiiska
Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa soo saaray xeer isku wareejin laba wasaarood isku wareejinayaan awooda iyo maamulka wax hore uga tirsanayd Wasaaradda Arrimaha gudaha, taas oo lagu wareejiyay Wasaaradda Dib U Dejinta.
Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo soo saaray maanta, yaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3134/042015 ku go’aamiyey In Wasaaradda Dib-u-dejintu u madax-bannaan tahay hawlaha la xidhiidha Qaxootiyada iyo Barakacayaasha oo hore uga tirsanayd wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta JSL ee summaddeedu tahay MRR&R/M/6/2025 ee ku Taariikhaysan 21/03/2015, ujeeddadiisuna tahay dib u soo celin Waaxdii Qaxootiga ee Wasaaradda Dib-u-dejinta oo hore loo hoos-geeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Markuu Arkay: Qoraalka summaddiisu tahay M/W/M/241-013/082010 ee ku Taariikhaysan 03/08/2010, ujeedadiisuna tahay in Xilka Wasaaradda Dib-u-dejinta lagu wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taas oo looga gol-lahaa in la mideeyo labada Wasaaradood.

Markuu Tixgeliyey: Dib-u-habaynta Wasaaradaha Xukuumadda ee kala saaridda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Dib-u-dejinta oo yeelatay jiritaan qaanuuni ah iyo Wasiir hoggaamiya, Qaab-dhismeedkeediina dib loo soo celiyey.

Markuu Arkay: Qoraalka Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay RSL/VP/AUNA/29-OO1/106 ee 08/01/2006 iyo Qabyo-qoraalka Xeerka Nidaamka Xukuumadda ee Golaha Wasiirradu ku ansixiyey Shir Lr. 132 ee 03/04/2014, isla markaana Xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada Somaliland oo ay ku xusan tahay in dadka qaxooti ahaan u jooga Somaliland, dadka dib uga soo noqonaya Xeryaha, dadka qaxootiga ee dalalka dibedda ka soo noqonaya iyo barakacayaasha gudaha ay Xukuumadda Somaliland uga mas’uul tahay Wasaaradda Dib-u-Dejintu; Wuxuu go’aamiyey
1. In Wasaaradda Dib-u-dejintu u madax-bannaan tahay hawlaha la xidhiidha Qaxootiyada iyo Barakacayaasha.

2. In Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku wareejiso Wasaaradda Dib-u-dejinta Hawlaha ay haysay intii ay labada Wasaaradood isku jireen ee la xidhiidha qaxootiyada iyo barakacayaasha.” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews