Araweelo News Network

Toddoba Milyan oo Maraykan Ah Oo Xannuunka Coronavirus gaadhay.

Trump, wuxuu Taageerayaashiisa u sheegayay in aannay qaadan Gafuur-xidhka, Ilaa uu haleelay COVID-19. 

New York(ANN)-Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in isaga iyo Marwadiisa  Melania Trump laga helay fayriska COVID-19, ee ku laxaadsaday dunida, isla ,markaana halakeeyay Maraykanka.

 

Madaxweyne Trump  iyo Marwadiisa, ayaa la geliyay karantiin, waxaana laga helay xannuunka, iyadoo xilligan uu ku jiro kaanbaynka doorashada November oo si weyn tartan ugu dhexeeyo isaga Murrashaxa Xisbiga Dumuqraadiga ee Joe Biden.

Trump, waa 74-jir, waxaana lagu tilmaamay inuu ka mid yahay dadka  halista wayn uu ku keeni karo cudurka COVID-19.

Doland Trump, wuxuu markii la baadhay kaddib ku shaaciyay bartiisa Twitterka, isagoo yidhi,  “Si wadajir ah ayaynu kaga soo wada-kaban- doonnaa,”

Xaaallada caafimaad ee Trump, ayaa lala xidhiidhiyay  kaddib markii mid ka mid ah la-taliyayaashiisa ugu dhaw, oo lagu magcaabo Hope Hicks, kaas oo laga laga helay cudurka COVID-19.

Alt, Araweelo News Network

Trump, and Hope Hicks

Haweenayda Hope Hicks, waa 31-jir lataliye u ah  madaxweynaha, waana qofkii ugu dhawaa ee ka mid ah la-taliyayaasha  Mr Trump ee illaa hadda cudurka laga helay.

Madaxweynaha ayay kula safartay diyaaradda Air Force One markii uu ka qeybgalayay dooddii talefishanka ee horraantii todobaadkan lagu qabtay Ohio.

Dhakhtarka madaxweyne Trump Dr. Sean Conley ayaa waxa uu shaaciyay bayaan uu ku sheegayo in madaxweynaha iyo marwada koobaad “ay waqtigan la joogo xaaladoodu wanaagsan tahay, ayna qorshaynayaan in gurigooda Aqalka Cad ay ku sugnaadaan mudada  loo baahanyahay.”

“Kooxda caafimaadka ee Aqalka Cad iyo aniga ayaa si dhaw ula socon doona xaaladda., ayuu raaciyay.

“Wax wel-wel ah ma jiro, waxaanan filayaa in madaxweynaha uu howshiisa hakad la’aan kusii wadan doono mudada uu xannuunkaasi kasoo kabanayo, marwalba wixii soo kordha waan idinla socodsiin doonnaa,” ayuu ku yidhi, bayaanka uu soo saaray Dr. Sean Conley .

Khamiista ayuu Mr Trump sheegay in isaga iyo xaaskiisa, oo 50-jir ah, ay gelayaan karantiin kaddib markii Ms Hicks laga helay cudurka Covid-19.

“Hope Hicks, oo howl adag haysay oo weliba aan fasax badan qaadan, ayaa waxaa laga helay Covid-19. Waa wax aad looga xumaado! sidaa waxa bartiisa twitterka soo dhigay Madaxweyne Trump.

“Marwada Koobaad iyo anniga waxaynu sugaynaa natiijada baadhitaankii nalaga qaaday. Sidaas oo ay tahayse, waxaanu bilaabi doonnaa hannaankii aannu isku karantiimaynay!” ayuu yidhi, Trump.

Dhinaca kale, lama ogga  sida xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Trump markii laga helay xannuunka COVID-19,  ay u saamayn doonto qaban-qaabada doodda madaxtinimada ee labaad, taas oo la qorsheeyay in Miami, Florida, lagu qabto 15-ka bishan October.

Trump, wuxuu ka been sheegay marar badan xannuunka COVID-19, kaas oo si gaar ah saamayn ugu yeeshay shacbiga Maraykanka, isla markaana galaaftay nolosha malaayiin Maraykan ah.

Balse ugu danbayntii Madaxweyne Trump, ayaa caddeeyay inuu soo gaadhay isaga iyo marwadiisa xannuunka COVID-19, isla markaana waxyeelayo  caafimaadkiis Kadib dhawr bilood oo uu ku dhiirrigelinayay taageerayaashiisa inay diidaan tilmaamaha caafimaadka iyo badbaadada,

Xaaladda uu hadda ku sugan yahay Trump, waxay ka tarjumaysaa tan boqolaal kun oo qof oo dalka Maraykanka oo dhan ah: Ilaa iyo 9-kii Sebtember, oo ah taariikhda ugu dambaysay ee heerkii ugu sarreeyay uu gaadhay xannuunka COVID-19.

Kiisaska la xaqiijiyay waxay u kaceen ilaa 45,300 maalintii – 32 boqolkiiba oo korodh ah. Bishii Sebtember 26, Maraykanka wuxuu marayay toddoba milyan oo kiis oo ah wadarta guud. Laakiin midkoodna ma saamayn siyaasad-xumada siyaasadeed ee Trump ee wakaaladaha caafimaadka federaalka, taas oo lala xdhiidhiyay in ay si weyn uga qayb qaadatay beentia iyo hab-dhaqanka khatarta ah ee Trump

.Dooddii ugu horreysay ee madaxweyne ee dhexmartay Trump iyo murrashaxa xisbiga Dimuqraadiga ah Joe Biden waxay dhacday 29-kii Sebtember, sidii la filayayna, waxaa hadheeyay maamul-xumada Trump iyo beenta ku saabsan sida uu u maareeyay cudurka coronavirus.

 

Trump wuxuu ku dooday inuu ixtiraamayo tilmaamaha Gafuur-xidhka ee ay ku taliyeen khubarada caafimaadka ee u sareysa qaranka Maraykanka, balse taas waxa loo arkay mid been -abuur ahayd, maadaama uu todobaadkii u danbeeyay.

Ka dib markii Biden uu sheegay in 100 milyan oo qof ay waayi karaan xaaladdaha hore u sii jiray haddii maxkamadda sare ay laasho sharciga daryeelka la awooddi karo (ACA), Trump wuxuu ku dooday “ma jiraan 100 milyan oo qof oo qaba xaalado hore.”

Balse, waxa la xaqiijiyay  in tiro ka badan oo 133 milyan oo Maraykan ah ay waayi karaan caymiskooda haddii ACA la laalo, tiradaasna waxay la kori doontaa oo keliya iyadoo la raacayo tirinta kiiska COVID-19, kaas oo saamayn weyn ku yeeshay Maraykanka.