Baqdaad(ANN)- Madaxweynaha Mareykanka  Donald Trump, ayaa booqasho aan hore loo shaacin oo qarsoodi ah ku tegey dalka Ciraaq.

Mr Trump oo saacado kooban ku sugnaa dalka Ciraaq, waxa booqashadiisa ku weheliyay xaaskiisa iyo Lataliyihiisa Arrimaha Ammaanka John Bolton, isagoo tegey saldhigga Saldhiga Ciidamada Maraykanka ee Al-Asad oo ku yaal galbeedka magaalada caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad.

 Madaxweyne Trump,  wuxuu kulan kulan yeeshay Saldhiga Cirka ee Al-Asad Cutubyo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee weli ku sugan dalka Citaaq, isagoo ka sheegay kulanka uu la yeeshay Askarta in socdaalkiisu ahaa mid sir ah,  islamarkaana booqashadiisu tahay in uu ciidamadiisa kala qeyb qaato ciidda Kirismiska ee gaalada.

“Waa wax aad laga murugoodo in todobo Tarliyan oo dollar aan ku bixinno bariga dhexe, marka aad halkaas booqanaysano socdaalkaagu noqonayo qarsoodi, oo diyaarado iyo iyo saanadaha melleteri ee caalamka ay kugu hareeraysanyihiin intaas oo dhan, waxaad u sameynaysaa in aad si nabad gelya ah ku gashid mandaqadda”ayuu yidhi, Trump oo ka hadlaya safarkiisa.

Saraakiisha Aqalka cad ee Mareykanka,  ayaa sheegay in diyaaradda uu ku safrayay Madaxweyne Trump magaalada Washington kasoo duushay iyadoo Laydhadhku baqtiisanyihiin, taas oo ay iyagu sabab uga dhigeen si shacabka Maraykanku  u ogaan safarka Madaxweynaha.

Balse Trump ku tilmaamay arrimo amni oo la xidhiidha ammaanka mandaqadda, wuxuuna mar suxufiyiintu wax ka weydiiyeen safarkiisa iyo waxa uu kala kulmay duulimaadkii uu ku tagay Ciraaq, ku tilmaamay kii ugu yaabka badnaa noloshiisa, isagoo yidhi, “Haa waan walaacay waxaana u walaacay xaaladda kooxda Madaxweynaha, waliba ugu horreyn aniga nafteyda uma baqin ee waxaan u baqay Marwada koowaad”. Ayuu yidhi.

Sidoo kale, Madaxweyne Trump, ayaa sheegay inay xaalad adag kala kulmeen diyaaradda ay isaga iyo xubnaha la soday raaceen, isagoo yidhi,

“Arrin aan waligey hore u arkin ayaan kala kulmay diyaaraddii aan ku tagay Ciraaq. Waxay ahayd diyaarad mugdi ah, dhammaan daaqadeheeda la daboolay, bannaankana aanad wax nal laydh ah ka dareemayn, waxaan raacay diyaarado fara badan oo nooc walba lahaaa, waligeyna ma arag waxan oo kale”.

Dhinaca kale, waxa  la baajiyay kulan  la filayay inuu Madaxweyne  Trump la yeesho,  Ra’iisal Wasaaraha dalka uu booqday ee Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi, sida uu warbaahinta u sheegay war kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaare Mahdi ayaa lagu sheegay in arrintaasi ay ka dhalatay  kaddib markii la isku afgaran waayay sida shirka loo qabanayo, waxayna  kulanka badelkiisa labada hoggaamiye kuwada hadleen khadka Taleefanka.

Booqashada Mr Trump ayaa waxa ay qaadatay ilaa iyo saddex saacadood. Markii uu Mareykanka dib ugu laabtay waxa uu ku hakaday saldhigga ciidammada cirka ee Ramstein ee dalka Jarmalka, halkaas oo uu kula kulmay ciidammo badan oo Mareykan ah.

Safarkan ayaa yimid maalmo kadib markii uu iscasilay wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka Jim Mattis, kaas oo xilkiisa ka tagay markii ay madaxweyne Trump isku maandhaafeen istiraatiijiyaddiisa gobolka, isagoo is casilaadiisa ku beegay go’aanka Madaxweyne Trump ku shaaciyay in ciidamada Maraykanka laga saarayo Suuriya.

Mareykanka weli waxaa dalka Ciraaq ka jooga ilaa iyo 5,000 oo askari oo dowladda  Ciraaq ee dalkaasi ka taageera dagaalka ay kula jirto ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.