Araweelo News Network

New York(ANN)-Guddi-hoosaadka Caddaaladda ee Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa lagu wadaa in 12-ka bisha October ay billaabaan dhageysiga ansixinta, garsoore Amey Coney Barrett oo uu Sabtidi madaxweyne Trump u magacaabay in ay noqoto garsooraha sagaalad ee Maxkamadda Sare.

Amey ayaa buuxin doonto booska ay banneysay Ruth Bader Ginsburg oo xanuunka kansarka u geeriyootay todobaadkii hore, ka dib muddo dheer oo ay garsoore ka aheyd maxkamadda sare.

Guddoomiyaha guddiga caddaaladda ee Senate-ka Lindsey Graham, ayaa sheegay in marka ay dhammeeyaan dhageysiga garsoore Amy, ay u gudbin doonaan fadhiga guud ee Senate-ka 26 ka October si ay cod ugu qaadaan ansixinteeda.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in “si dhakhso leh loo ansixin doono,” isagoo ku booriyay xildhibaanada iyo warbaahinta in ay ka fogaadaan weerarada shaqsiyadeed iyo mid xisbiyeed oo ka dhan ah Barrett.

Madaxweynaha oo suxufiyiinta suaalo uga jawaabay ka dib markii uu magacaabista ku dhawaaqay ayaa sheegay in ay “aad iyo aad u adag tahay” in Dimuqraadiyiintu ay ku adkeeyaan garsooraha magacaaban tayadeeda aqqooneed awgeed.

Ra’yi aruurino la sameeyay ayaa muujiyay in inta badan dadka Mareykanka, iyo sidoo kale sharci dejiyayaasha Dimuqraadiga, ay doonayaan in musharraxa ku guueysta doorasha madaxtinimada ee 3-da November uu magacaabo garsooraha buuxinaya kursiga ka bannaan Maxkamadda Sare.

Mar ay arrintaas VOA weydiisay ayuu Trump ku jawaabay: “Uma maleynayo in ay yaqaanaan Amy” isagoo saadaaliyay, “Waxaan u maleynayaa in tani ay dhammaan doonto ka hor doorashada.”

Dhinaca kale, magcaanista haweenaydan, waxa si weyn uga soo horjeeda Xisbiga Dumuqraadiga oo si weyn ay u xafiiltamayaan xisbiga kale ee Republic .