New York(ANN(0Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu ka guurayo New Yprk, isla markaana reerkiisa u rari doono gobolka Florida .

Madaxwaynaha ayaa sheegay in reerkisa ay si joogta ah ugu noolaan doonaan gobolka Florida uuna ka guuri doono goobta uu hadda deggan yahay ee Trump Tower oo ah daar oo ku leeyahay New York.

Getty Images
Image caption Mr Trump ayaa degana adhismaha Trump Tower tan iyo 1983
Getty Images Mr Trump ayaa degana adhismaha Trump Tower tan iyo 1983

Trump ayaa ku sababeeyay arrinta ku kaliftay sida uu sheegay kadib markii hogaamiyayaasha siyaasadda ee New York ay si xun ula dhaqmeen iyada oo ay jirto in uu New York uu siiyo malaayin dollar oo canshuur ah.

Mr Trump ayaa ku dhashay magaalada New York, balse waxa uu waqtigiisa inta badan ku qaatay gobolka Mar-a-Lago estate oo ku yaalla xeebta Palm.

Madaxwaynaha ayaa daarta Trump Tower ee uu leetahay, degganaa tan iyo sanddii 1983.

Getty Images
Image caption Mr Trump ayaa dhismahiisa Mar-a-Lago ee gobolka Florida inta badan ku qaabila hogaamiyayaasha ajnabiga
Getty Images
caption Mr Trump ayaa dhismahiisa Mar-a-Lago ee gobolka Florida inta badan ku qaabila hogaamiyayaasha ajnabiga

Badhasaabka gobolka New York Andrew Cuomo iyo duqa magaalada Bill de Blasio ayaa labaduba ka soo jeeda xisbiga Dimuqraadiga, waxayna labada hogaamiya-ba soo dhaweeyeen warka madaxwaynaha ee ah in uu u guurayo Florida.

Aqalka cad ayaan weli ka hadlin sababta uu madaxwayne Trump uga wareegayo gurigii uu sida rasmiga ah u deganaa ee New York, balse wargeyska New York Times oo soo xigtay qof ku dhaw madaxwaynaha, ayaa sheegay in sababta ugu wayn ee Trump uga guurayo halkaa ay tahay arrimo la xidhiidha canshuurta ku waajibtay.


Mr Trump waligi shaaca kuma uusan qaadin canshuurta uu bixiyo inta ay dhan tahay isla markana waxa uu diiday in uu shaaciyo macluumaadka la xidhiidha canshuurtiisa shaqsiyadeed ee ganacsiga uu leeyhaay.

Madaxwayne Trump ayaa mar kale u tartamaya xilka madaxwaynanimada wuxuuna qoraal uu Tweetar-ka soo dhigay ku muujiyay in uu doonayo in 5 sano oo kale uu sii joogo aqalka cad, walaw si weyn loo diidanyahay inuu soo laabto.