“Ciidamada Mareykanka kama bixi doonaan Haddii aanay ahayn inay Ciraaq ku bixiyaan Lacag mooyee”

Washington(ANN)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka aanay ahayn inay ka baxaan xataa haddii Ciraaq ay bixiso lacagta ay gelayaaan Baqdaad, wuxuuna carabta jku adkeeyay inay lacag badan gelinayeen dalkaa sannadihii la soo dhaafay, isaga oo difaacay baaqii Xukuumadda Ciraaq ee ahaa in ciidamada Maraykanka ay ka baxaan.


“Haddii aan baxno… waa inaad na siisaa lacagta aan gelino, ”Trump ayaa sidaa ku yidhi, waraysi uu Fox News jimcihii kula yeeshay Aqalka cad.
Laura Ingraham, aayaa weydiisay Madaxweyne Trump inuu qorsheeyay, isla markaana uu ururiyay lacagta ay geliyeen Ciraaq, wuuxuna isagoo arrintaa ka hadlya yidhi, “Hagaag, waxaan haysanaa lacago badan hada. Waxaan haynaa $ 35 bilyan oo lacagtooda ah hadda waxaan ku jirnaa koonto. Aniga waxay ila tahay inay ogolaan doonaan inay bixiyaan. Waxay ila tahay inay oggolaan doonaan inay bixiyaan. Haddii kale, halkaas ayaan joogi doonnaa” ayuu ku yidhi, Madaxweyne Trump oo waraysigaa oo ahaa mid khaas ah siiyay Laura Ingraham oo ka socotay Telefishanka Fox News.


Trump, wuxuu sheegay inay Ciraaq ka dhiseen mid ka mid ah garoomada diyaaradaha adduunka ugu qaalisan, marka la eego meel kasta oo adduunka ah, isagoo yidhi, Waxaan ula jeedaa, waxaan jeclaan lahaa inaan ku haysanno New York. Waxaan jeclaan lahaa inaan ku haysan lahayn Washington, ayuu raaciyay, isagoo Trump todobaadkii u danbeeyay qoraal uu soo dhigay bartiisa tweter ku faanay inay dib u dhiska Dalka Ciraaq ku bixiyeen Billions of Dollars sannad iyo snnado baddan oo kale.


Dhawaaqa Madaxweyne Trump, ayaa yimi kadib markii Todobaadkan Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ciraaq Adil Abdul-Mahdi ugu baaqay ciidamada Maraykanka inay dalka isaga baxaan ka dib markii baarlamaanka dalku ansixiyay qaraar sidaa sheegayaa, kaas oo ku baaqaya in laga saaro dhammaan ciidamada shisheeye dalka Ciraaq oo tan iyo markii ay duulaanka kusoo qaadeen xulufada Maraykanku Hoggaamiyihii Dalkaa Saddam Hussein sanandkii 2003, isla markaana ay bur-buriyeen dawladdii Ciraaq kumanaan Ciidamada Maraykanka iyo xulufadiisu saldhigyo ka samaysteen, walaw xilligan Ciidamada ka jooga Maraykanka Ciraaq lagu sheego in aanay ka badnayn 5,000 askari, balse labada saldhig ee ugu waaweyn ee Maraykanku ku leeyahay Ciraaq ee Ain Al-Assad Airbase iyo Al Anbar, kuwaas oo todobaadkan duqaymo kala kulamay dalka Iranian oo si weyn xiisadi uga dhaxayso Maraykanka, kadib markii ay Ciidamada Maraykanku dileen Major General Haj Qasem Soleimani oo caan ka ahaa dalka Iran iyo Abu Mahdi Al-Muhandis, oo ahaa hoggaamiye caan ka ahaa iska caabbinta Ciraaq ee ka dhanka ah duulaankii Mareykanka ee Ciraaq, kuwaas oo lala dilay sideed qof oo kale oo la socday xilli ay marayeen duleedka Madaarka Baqdaad.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa war ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in Washington aanay wada hadal la yeelan doonin Baqdaad, kaasoo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Mareykanka.
Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Gobolka Morgan Ortagus, ayaa sheegay in waqtigan, wafuud kasta oo loo diro Ciraaq ay ka go’antahay inay ka wada hadlaan sida ugu wanaagsan ee looga gudbi karo iskaashigeenna istiraatiijiyadeed – mana ahan in laga wada hadlo ka bixitaanka ciidamada, laakiin xaqeena, waxaan u waajahanayaan qaab munaasib ah oo ah awood ku habboon Bariga Dhexe, ayuu yidhi, Morgan Ortagus.