Muqdisho(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay mooshinka la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo ee loo gudbiyay Baaralaanka Federaalka, wuxuuna mu tilmaamay mid ujeedooyin gaar ah ay ka leehiniin shaqsiyaad kooban oo uu ku sifeeyay kuwo mar walba carqalad la yimaada.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn uga cadhooday mooshinkaa, wuxuu ku hanjabay inay xukuumaddiisu tallaabo qaadayso, balse ma cadayn Tallaabada ay qaadayaan nooca ay tahay, wuxuuna arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Madaxtooyada Villa Somalia.
Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh, wuxuu ku dooday in Dowladda Federaalka Somalia ay sameysay horumar fiican, balse ay jiraan dad doonaya iney carqaladeeyaan hanaanka ay dawladiisu ka hirgalineyso Somalia ee Horumarka iyo dib u dhiska, isagoo ku tilmaamay inay yihiin dhawr qof kuwo uu sheegay inay doonayaan inay bur-buriyaan hannaanka iyo nidaamka dawladnimo oo ay joojiyaan, wuxuu ku sifeeyay horumarka aanay joojin karin ee Somalia.
Mooshinka Baarlamaanka loo gudbiyay ee la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo, wuxuu ku macneeyay mid lagu khal-khal galinayo Jawiga wanaagsan ee uu dalka ku jiro oo ay dabada ka riixayaan kuwo ujeedooyin gaar ah leh oo aanu tilmaan ka bixin, isagoo sabab uga dhigay Mooshinka xilliga lagu soo beegay oo sida uu ku dooday dawladu guulo waaweyn gaadhay, wixii dhimana ay dhamaystirkooda ku jirto.
Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu xusay in dalka Somalia soo maray marxalado kala duwan, islamarkaana dawlda Federaalka ah ay ka buuxaan shaqsiyaad dalka u diidan inuu xasilo, wuxuuna ku hanjabay inay dawladiisu tallaabo cad qaadi doonto, balse ma cadayn Tallaabada ay qaadayaan nooca ay tahay.
Madaxweynaha Somalia, wuxuu amaanay Xildhibaanada qaarkood, wuxuuna Bulshada usoo jeediyay inay ka shaqeeyaan sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen oo ay iska dhex saaraan kuwo uu sheegay inay fidno kula dhex jiraan bulshada Soomaalida.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke, ayaa si weyn u soo dhaweeyey mooshinka ay gudbiyeen xildhibaannadda golaha Baaralaanka ee la doonayo in xilka lagaga qaado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo lagu eedeeyay inuu ku guuldarraystay inuu si nadiif ah u maamullo hoggaanka dalka iyo dhaqaalaha soo gala.
Waxayna wararka aar sheegayaan in tirada xildhibaanada taageersan Mooshinka marayaan ku dhowaad 150 xildhibaan, kuwaas miciinsaday mooshinkaa markii ay muddo dhan 5 billood ah u xaadiri waayeen mushaharkoodii, iyadoo shaqaalaha dawladu aanay wax mushahar ah qaadan mudadaa.
Sidoo kale Shirkii golaha Wasiiradda ee maanta, ayaa lagaga dooday xaallada siyaasadeed iyo Amni ee dalka, waxayna xubnaha golaha wasiiradu isku raaceen in Golaha xukuumaddu tallaabada Mooshinka u arkay inay si weyn u dhantaaleyso, Wadajirka iyo wada shaqeynta hey’addaha Dastuuriga ee dalka.
Sidoo kale Xasilloonida siyaasadeed ee ay Xukuumaddu ku dhawaaqday markii la ansixiyey, Horumarkii laga sameeyey hiigsiga 2016, waxayna tusaale usoo qaateen waxay ugu yeedheen taabagelinta hannaanka Federaalka, dib u eegista dastuurka iyo wadiiqada wadatashiga 2016.

Waxa kale oo ay ku doodeen in uu Mooshinku wiiqayo Howlgallada lagu sugayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah iyo Kobaca dhaqaale ee dalka. Sidaa awgeed ay golaha Wasiiradu hoosta ka xariiqeen in Golaha Baarlamaanka ay kala shaqeynayaan arrimaha la xidhiidha wadiiqada wadatashiga 2016, sida shirkii HLPF ee Muqdisho lagu qabtay, isla markaana ay aaminsan yihiin in ay muhiim tahay sii socoshada wadashaqaynta hey’addaha Dastuuriga ah ee arrimaha masiirka dalka.

Sidaa ageed waxay Goluhu usoo jeediyeen xubnaha Golaha Baarlamaanka in loo baahan yahay in si mideysan looga gudbo xilliga kala guurka ah ee 2016 iyo inaan markale la sameyn khaladaad ay sheegeen in hore loo sameyn jiray xilliga dhammaadka muddada Dastuuriga ah.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.