Muqdisho (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khudhad kaga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.

Arrinta Aqoonsiga Israel ee  Somaliland iyo xidhiidhka ay yeesheen isagoo  ku macneeyay mid khatar badan oo aan dan ku jirin. Sidoo kale, wuxuu sheegay inay wadaan dadaalo diblomaasiyadeed iyo sharci ee Dowladdu ay ku wajahayso, wuxuu ugu yeedhay faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

“ Dawladda Federaalka waxay diyaar u tahay wax kasta inay hurto si midnimo loo helo, waxaan diyaar u nahay ; haddii ay tahay garawshiyo, xaq dhibid , xukun baahin iyo haddii ay tahay walaallo midoobay oo xoog mideysan hela.”ayuu yidhi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibadeeda caalamka ay qaadayso tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo sharci oo looga hortagayo xadgudub kasta oo ka dhan ah midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo ay bar-bar socota dhageysiga iyo ka garowshiiyaha dhammaan tabashooyinka Gobollada Waqooyi, isagoo ula jeeda Somaliland.

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si weyn uga cadhootay aqoonsoga dawladda Israel siisay Somaliland, iyadoo dhawaaqyo ay ku diidan tahay xidhiidhka Somaliland iyo Israel, waxayna Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadiisu qaadeen duulaan ay ku muujinayaan sida  u diidan yihiin siyaasaddaha gobolka ka socda oo xidhiidhka Somaliland iyo Israel si weyn aduunka ugu soo jeediyay mandaqada.