yemenlastpc

Warbixin Wararkii u danbeeyay ee Yemen:  By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

 

Aden(ANN)Malayshiyada Dawlada Iran sida weyn u taageerto ee Shiicada Xuutiyiinta, ayaa gebi ahaanba la wareegay magaalada Istiraatiijiga ah ee Cadan oo ku taal dhinaca Koonfurta, isla markaana ah magaalada labaad ee dalka Yemen.
Telefishanka Dalka Yemen ee ay mamulaan malayshiyada Xuutigu, ayaa laga sii daayay war sheegaya in cida soo sheegta Madaxweynihii hore ee dalka oo ka dhowaan u cararay dhinaca magaalada Cadan la siinayo abaalmarin lacageed oo dhan 20 milayan Riyal oo lacagta dalkaa ee Yemen, taas oo u dhiganta $93,000 , ama £62,500.
Malayshiyada Xuutiga, ayaa dhirbaaxo xun kala kulmay malayshiyaadka deegaanka dhinaca Woqooyiga Cadan ee gobolka Laxag, halkaas oo ay isku wajaheen Ansaaru shareeca wal qaanuun oo ah Al-qadia Yemen, balse malayshiyo taabacsan Madaxweyne abduraboo Mansoor Hadi, ayaa ka cararay Saldhiga Istiraatiijiga ah ee Ciidamada Cirka Al Canad (Al Anad airbase) oo qoyaastii 60km dhinaca Woqooyi ka xiga magaalada Cadan, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay Maraykanku ka daad guraystay ciidamo ka joogay, taas oo suurta gelisay in ay si dhibyar usoo galaan Malayshiyada Xuutigu dhabaha Caalamiga ah ee diyaaradaha magaalada Cadan oo ay la wareegeen.

Sidoo kale wararka ka imanay magaalada Cadan ayaa sheegaya inay qabsadeen Dhismaha Bangiga dhexe oo ku yaal Crater. Madaxweynihii la inqilaabay Abdrabbo Mansour, ayaan la ogayn halka uu ku suganyahay, wararka qaar ayaa sheegaya inuu ka baxay dalka, isagoo ka raacay doon dhinaca xeebta siira ee Cater, balse saraakiil u halay xukuumada la inqilaabay ee Madaxweyne Hadi, ayaa sheegaya inuu ku suganyahay magaalada Cadan.
Dhinaca kale Sarkaal ka mid ah Ilaalada Madaxweyne Abdrabo Mansour Hadi, ayaa u sheegay Wakaalada wararka AFP in Madaxweynuhu diyaarad Helicopter ah ka raacay dhismaha uu deganaa ee magaalada Cadan, balse sarkaal kale ayaa sheegay in aanu dalka ka bixin ee meel kale uga wareegay dhismihii uu deganaa.
Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka, ayaa sheegtay in aanay la socon halka uu ku danbeeyay Madaxweyne Abdrabbo Mansour, waxayna wer wer ka muujiyeen xaalada dalka Yemen.
Malayshiyada shiicada ee Xuutiyiinta, ayaa gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta magaalada Istiraatiijiga ah ee Tai zoo qiyaastii 390km kaga beegan dhinaca Koonfurta Sanca.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen Riyad Yasiin oo la hadlay wakaaladaha wararka, ayaa ugu baaqay dalalka Khaliijka inay farageliyaan xaalada dalka Yemen oo ay ciidamo u diraan, balse dawlada Sucuudiga, ayaa dhinaceeda soo dhoobtay ciidamo xadka ay dhinaca Waqooyiga Yemen kala wadaagto.
Malayshiyada Xuutiyiinta, ayaa 23 March la wareegtay madaarka caalamiga ah ee magaalada Taiz, sidoo kale waxay la wareegeen xarunta Sirdoonka ee ku taal magaalada iyo goobo kale oo muhiim ah, isla markaana waxay magaalada ka sameeyeen goobo gaadiidka lagu baadhayo si loo hakiyo isu socodka iyo dhaqdhaqaaqa magaalada.
Boqolaal qof oo ka cadhaysan qabsashada xuutiyiinta, ayaa isugu soo baxay shaaracyada wadooyinka Taiz, balse malayshiyada xuutiyiinta ayaa tacshiirado rasaas ah ku kala eryay, waxaana tacshiiradahaasi sababeen ugu yaraan dhimashada hal qof iyo 82 dhaawacyo kala duwan soo gaadheen.
Madaxweynihii la inqilaabay Abdrabbo Mansour, ayaa ku sugnaa dhinaca koonfurta ee cadan tan iyo markii horaantii sanadkan january 2015, malayshiyada xuutigu afgenbiyeen xukuumadiisa, isagoo mudadaa ka dib ku jiray xabsi guri dhinaca magaalada Sanca, balse todobaadyo ka hor kasoo baxsaday. Kadibna dhinaca magaalada Cadan ee uu kasoo jeedo u guuray, isagoo sheegay inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee dalka Yemen.
Xaalada dalka Yemen oo ay ku loolamayaan dalalka Iran, Sucuudiga iyo wadamada shisheeye, ayaa laga cabsiqabaa inay marto jidkii Somalia, waxayna Malayshiyada Shiicaada ee Xuutigu inta baddan la wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka waaweyn ee dalka.

By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews