Dahir RayaleHargeysa(ANN)Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, ayaa weedho kulul ku weeraray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen xiligii uu dalka ka talinayay, isla markaana ahaa Wasiirkiisa Duulista Hawada, balse waqtigan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo.
Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee waqtigan Somaliland, arrimaha doorashooyinka iyo arrinta Suldaan Waber oo dhaqdhaaq hubaysan ka bilaabay deegaanka ay kasoo wada jeedaan wax yar ka dib markii lagaga adkaaday doorashadii 26 Jun 2010.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay Daahir Rayaale buruburkii Xisbiga UDUB ee uu hoggaaminayay, kaas uu sidii uu u gawracay waqtigan food-saaro uga dhigtay inuu shacbiga ka raali geliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade oo ay saaxiibo dhow ahaayeen, isla markaana ka mid ahaa raggii ku loolamayay xisbiga, balse markii uu burburay ku biiray xukuumadda Kulmiye.

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo kusoo laabtay dalka, isagoo mudooyinkan danbe ku noolaa dalka Faransiiska, waxay saxaafaddu waydiisay sida uu u arko muddo-kordhinta Guurtida ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee xilka haysa, isagoo yidhi, “Waqtigii ay muddo-kordhintu timi aniga sababo ayey ku timid, kow horta Madaxtooyada qarax baa lagu sameeyay, dadkii Hindida ahaa ee diiwaangalintii beenta ahayd ee la inoo sameeyay wadayna meesha way ka qaxeen, dib-u-dhac baa markaa ku yimi doorashadii oo ay ahayd in la qabto 2009-kii. Komishankii markaa joogay ee Jaamac Sweden madaxda ka ahaa in doorashada la qabto ayey ku dhawaaqeen, laakiin xisbiyada mucaaradka ayaa diiday, anigu markaa waan ogolaaday bay ahayd.

Haddana diiwaangalintii in dib loo saxo ayey noqotay taasna dib u sii riday, laakiin tanaasulka anigaa sameeyay oo doorashada Madaxweynaha waxa ka horraysay tii dawladaha hoose, anigaa soo hormariyay ta madaxtooyada, waligiin taas maad ka sheekayseen?

“Ta labaad qodobo aan sharci ahayn baan xataa ogolaaday si doorasho loo galo oo aan is-qabqabsigu riiq baddan inagu sii yeelan. Waad ogaydeen oo beesha caalamku waa kuwii ina soo farogeliyey xataa ilaa Komishankii doorashada in la eryaa sharci may ahayn, laakiin cidda ogolaatay aniga ayey ahayd lexojeclo dalka aan ka qabo ayaan u ogolaaday oo aan is idhi haddii ay noqonayso inay meeshan dhibaato ka dhacdo wax kasta adigu ogolow,” ayuu yidhi Md. Rayaale, waxaannu intaasi raaciyey hadalkiisa, “Horta tii maalintaa taagnayd (waqtigiisii muddo-kordhinta) ma jirto, qarax ma dhicin, diiwaangelin xumaatay ma taalo, markaa anigu waxaan qabaa in laga heshiiyo ayey ahayd, waxaanay ahayd haddii waqti la qabanayo waxa leh Komishanka maalinta doorashada la qabannayo, kadibna kaas in la sharciyeeyo weeye sida sharcigu uu yahay.”
Daahir Rayaale oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay hankiisa iyo waxa u qorshaysan waqtigan, wuxuu yidhi, “Xiiso uma qabo in aan mar kale isa soo sharraxo, waxaan qabaa in aan tusaale u noqdo qofku marka uu madaxweyne soo maro inuu haddana ka degi karo oo dadka kalena uu fursad u siin karo.

Waxaanse halkan maanta kaga faa’iidaysanayaa inaan raaligalin kaga bixiyo xisbigaygii UDUB inaan u dhiibay nin aan hankiisu gaadhsiisnayn Madaxweyne oo aan wasiir dhaafsanayn, waa Cali Warancadde oo ku faanayey, jeebkaan ku ritay xisbiga UDUB oo nimankii hankoodu ahaa madaxweynaha ilaa madaxweyne-ku-xigeenkaygii iyo bahweyntii xisbiga UDUB iyo nimankii hankoodu madaxweynaha iyo ku-xigeen uu ahaa ee soo dalbaday ee Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid raaligalin baan ka siinayaa inaan iyaga baalmaray oo aan ninkaas aannu hankiisu wasiirka iyo wax ka hooseeya dhaafsiisnayn u dhiibay, laakiin xisbiga UDUB wuu soo noqon doonaa oo waa taariikhda dimuqraadiyadda Somaliland aasaaskeeda.” Ayuu yidhi Rayaale, balse wuxuu si debecsan uga hadlay arrinta Suldaan Waber, isagoo si fudud u sheegay in aanay jirin sabab ku kalifay inuu Hub qaato oo banaanka u baxo, balse loo baahnaa sida uu sheegay inuu wixii uu tabanayo sheegto.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.