Araweelo News Network

Ra’iisal wasaraha cusub Dr Abay Iyo Madaxweynaha Kililka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud oo Jigjiga kusoo dhoweeyay Photo File Araweelo News Network

Jigjiga(ANN)-Madaxweynihii xilka laga qaaday ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa lagu soo waramayaa in ciidammada militariga ee dawladda federaalka Ethiopia ka qaadeen Jigjiga, iyadoo Diyaarad Milateri dhinaca  magaalada Addis Ababa loogu qaaday maanta.

Wararka ayaa  sheegaya ciidamada saaka waaberigii hareereeyay guriga Cabdi Maxamud Cumar ay Diyaarad kuwa Milateriga halkaa ka saareen.

Ma jirto cid cadayn karta in xoog lagu kaxaystay madaxwynii hore Iyo in kale, balse Maxamed Colaad Xassan oo taleefanka kula xidhiidhay, Suldaan Cabdulkaahi Bashiir oo ka mid ah salaadiinta Soomaalida Ethiopia, ayaa sheegay in xoog lagu saaray diyaarada, Isla markaana loo geystay jidh dil, wuxuuna ku tilmaamay tallaabadaa mid foolxun oo waxyeelaysa Amaanka.

Balse warar kale oo shebekadda wararka ee Araweelo News Network ka heshay deegaanka, ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar (Ina Iiley) lagu qaaday diyaarada Milateriga kadib wada hadal socday labadii habeen ee u danbeeyay oo sababay inuu xilka iska casilo, iyadoo loo balanqaaday in aan waxba loo raacayn haddii uu xilka wareejiyo.

 

Rabshadaha mudada soo socday ayaa si weyn saamayn ugu yeeshay Nolosha Malaayiin qof oo ah qowmiyadaha Soomaalida Iyo Oromada, iyadoo ugu yaraan markii ay rabshadaha kacdoonka cusu ka bilaabmeen Jigjiga Iyo magaalooyinka kale qaarkood ugu yaraan inta la ogyahay lagu dilay ku dhowaad 50 qof in ka baddan, kuwaas oo ay Ku jiraan Hooyo Soomaaliyeed oo Iyada iyo Afar Caruur ah oo ay wadatay lagu dilay Dirirdhaba.

Arrimaha fawdada ah ee ka bilaabmay dalka Ethiopia, gaar ahaa. Kililka Soomaalida ayaa sababay inuu xilka iska casilo Madaxweynihii Gobolka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, iyadoo khilaaf siyaasadeed oo dawladda Federaalka ah ee Ethiopia Iyo maamulka Cabdi Iilay sabab u noqday, Isla marakana sii shiday collaaddii labada qowmiyadood ee ay kasoo kala Jeedaan u dhaxaysay..

Khadar Cabdi Ismaaciil oo ah madaxa xarunta dhexe ee xisbiga haya talada maamulka gobolka iyo saraakiil kale ayaa xaqiijiyey is casilaadda madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ee shalay, waxaana  xilkaasi loo dhiibay Axmed Cabdi Maxamed oo hore u ahaa wasiirka maaliyadda ee gobolka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.