Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi 25 November 2017. Photo File Araweelo News News

Hargeysa(ANn)-Madaxwyenaha la doortay dhowaan Muuse Biixi Cabdi, ayaa Magcaabay Guddi loo Xilsaaray xil wareejinta Muddada kala guurka.

sidaana waxa lagu sheegay Qoraal kasoo baxay galabta Xafiiska Madaxweynaha la doortay, kaas oo u qornaa sidan:

 

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.

Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:
1. Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye​
2. Maxamed Kaahin Axmed – Xubin​
3. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin​
4. Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin ​
5. Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin​​
6. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin​
7. Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin ​​
8. Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin​
9. Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin​​​​
Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.
[

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi,
Madaxweynaha La Doortay ee JSL