Araweelo News Network

Guddomiyaha KULMIYE Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Murrashaxa Xisbiga KULMIYE, Isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, ayaa Magcaabay guddida Muraaqibiinta ee Xisbiga.

sidaaana waxa lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga oo ku taariishaysan October 6th, 2017, Isla markaana lagu Socod siiyay Masuuliyiinta loo Magcaabay xilkaa.

qoraalka oo Gudoomiyihu ku saxeexnaa ayaa u dhignaa sidan:-

Ku: Cabdicasiis Maxamed Samaale =Hargeisa =
Ku: Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan =Hargeisa =
Ku: Cabdikariim Axmed Maxamed =Hargeisa =
Ku: Ibraahim Daahir Dubad =Hargeisa =
Ku: Axmed Muumin Seed =Hargiesa =

Og: Hogaanka Xisbiga KULMIYE = Hargeisa =

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE.

Xisbiga KULMIYE isaga oo aqoonsan muhiimadda ay Muraaqibiinta Xisbigu u leeyihiin hufnaanta Doorashada Madaxtooyada ee soo socota, waxa uu magacaabay Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE. Xubnaha Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE waxa ay kala yihiin:

1. Cabdicasiis Maxamed Samaale – Guddoomiye
2. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan – Guddoomiye Ku Xigeen
3. Cabdikariim Axmed Maxamed
4. Ibraahim Daahir Dubad
5. Axmed Muumin Seed

Guddidani waxa ay masuul ka yihiin diyaarinta, tababarka iyo maamulka muraaqibiinta iyo goob-joogayaasha Xisbiga KULMIYE. Waxa kale oo ay masuul ka yihiin adeegsiga farsamada cariga ah ee IT-ga iyo xog ururinta (Data Collection).

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi