Tehran(ANN)-Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Sayyed Ali Khameneyni ayaa maanta u magacaabay Brigadier General Ismail Qaani inuu noqdo Taliyaha Xoogaga Qudus ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamka Iran, kadid markii Duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Baqdaad Maraykanku la beegsadeen General Haj Qasem Soleimani.

Leader of the Islamic Revolution Ayatollah Seyyed Ali Khamenei addresses a meeting with participants in the 13th Session of the PUIC Conference in Tehran on January 16, 2018. (Photo by leader.ir)

Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Sayyed Ali Khameneyni, wuxuu ku tilmaamay Dilka lala beegsaday General Haj Qasem mid gardaro cadaan ah, wuxuu tilmaamay inuu ku dhintay shahiidnimada sharafta leh ee General Haj Qasem Soleimani, waxaan u magacaabay Guutada General Ismail Qaani in aan noqdo taliyaha ciidamada Quddus ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ”ayuu ku yidhi, Khameneyni hadal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee website uu leeyahay.

Banaanbax ka dhacay Khashmir, Major General Qassem Soleimani 3 Jan 2020
Banaanbax ka dhacay Khashmir, Major General Qassem Soleimani 3 Jan 2020


Khameneyni, wuxuu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq rasmi ah, isagoo wacad ku maray aargudasho ka dhan ah Mareykanka iyo xulufdiisa, wuxuuna khudbadiisa maanta ku tilmaamay in xilligan la doonayo in gobolka laga nadiifiyo wuxuu ugu yeedhay “xayawaankan gurracan.”
Wuxuu carabka ku adkeeyay in General Haj Qasem Soleimani, sannado baddan ay la dagaallamayay “sharka iyo shaydaanka” wuxuuna ahaa “tusaalaha qof lagu soo tababaray diinta Islaamka, wuxuu nebcaa xummaanta, Noloshiisa oo dhan wuxuu ku qaatay dagaalka Jihaadka Eebbe. Shahiidnimadiisa waxay ahayd abaalmarinta dadaallada aan taagta lahayn ee sanadihii la soo dhaafay, ”ayuu ku yidhi, Khameneyni bartiisa Twitter-ka.

Banaanbax ka dhacay Tehran oo lagu canbaaraynayo dilka, Major General Qassem Soleimani 3 Jan 2020
Banaanbax ka dhacay Tehran oo lagu canbaaraynayo dilka, Major General Qassem Soleimani 3 Jan 2020


Sidoo kale, Madaxweynaha Dalka Iran, Hassan Rouhani, ayaa dhankiisa sheegay in aargudasho ay ku samayn doonaan cadawga Maraykanka iyo xulufadiisa, isla markaana aan la ilaabi doonin dilka Hoggaamiyihooda General Haj Qasem Soleimani.

Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday General Haj Qasem Soleimani loo fuliyay iyadoo ujeedadu ahayd in laga hortago weerarada mustaqbalka oo ay sheegeen inay Iran qorsheynayso, sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa sababta dilka sarkaalkaa ku tilmaantay inuu halis ku ahaa ammaanka danaha Mareykanka ee Ciraaq iyo mandiqadda Bariga dhexe oo dhan, wuxuuna Mareykanku markii uu fuliyay dilka General Haj Qasem Soleimani, ku booriyay muwaadiniintiisa inay si deg deg ah uga baxaan Ciraaq.
War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay General Haj Qasem Soleimani uu amarkiisa bixiyay Donald Trump.

General Haj Qasem Soleimani, waxa duqayn dhanka cirka ah ku beegsatay diyaarad aan duuliye lahayn, isaga iyo saraakiil kale oo watay Baabuurta raaxada xilli ay marateen meel aan ka fogayn garoonka Baqdaad waxaana duqaynta ku dhintay General Haj Qasem Soleimani iyo Abu Mahdi Al-Muhandis oo ahaa ku xigeenkii hoggaamiyaha Maleeshiyaadka Xashdi Al-shabaab ee Ciraaq.

Dhinaca kale, Ururka Xamaas ee Dhaqdhaqaaqa Jabhada Islaamiga ah ee Falastiin, iyo Kooxda Jihaadka Islaamiga ah ee Falastiin, ayaa si weyn u dhalleeceeyay dilka Mareykanka uu ku dilay General Haj Qasem Soleimani, Qoraallo kala gaar ah oo labada dhinac ee reer Falastiin kasoo saareen dilkaa, waxay ku eedeeyeen Mareykanka xasillooni darrada ka jirta gobolka, iyadoo ku tilmaamay Maraykanku taageerada aan shuruudda lahayn ee Washington ay u siisay dowlad-guumeysiga Israel.

“Waxaan ka xunahay dhimashada General Haj Qasem Soleimani iyo saraakiishii kale ee Iran ee lagu dilay duqeynta xagga cirka ah oo Mareykanku fuliyey,” ayay tidhi, Xamaas. “Xarakadu waxay sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u direysaa walaalaheena ku sugan Ciraaq dilkii dad badan oo reer ciraaq ah isla halkaa lagu laayay.”


Bayaanka Xamaas wuxuu tilmaamay in Major General Qassem Soleimani uu door weyn oo muhiim ah ka ciyaaray taageerida iska caabinta Falastiin heerkasta oo dhan. “Munaasabaddan murugada leh, Xamaas waxay cambaareyneysaa xoog u sheegashada Mareykanka ee abuureysa muranka iyo qalalaasaha ka jira gobollada, keliya si loogu adeego danaha dhulka Israel.”


Xarakada Jihad waxay intaa ku dartay cabashadeeda: “Sharaf iyo murugo weyn, waxaan murugo u leenahay geerida Major General Haj Qasem Soleimani, oo taageero weyn ka ahaa iska caabinta falastiiniyiinta tobanaan sanno. Waxaa dilay cadowga Zio-American – Shayddaanka weyn. ”


Dhaqdhaqaaqa ayaa intaa ku daray in kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta aan la wiiqi doonin dilkii Jeneraalka Iran. Major General Haj Qasem Soleimani,”Waxay kusii socon doonaan xoreynta Falastiin.”

Siodoo kale kooxda Jihaadka Islaamka ee Falastiin, waxa kale oo ay qoraalkooda ku xuseen inay ka murugoonayaan geerida taliyihii Abu Mahdi Al-Muhandis, oo ahaa hoggaamiye caan ka ahaa iska caabbinta Ciraaq ee ka dhanka ah duulaankii Mareykanka ee Ciraaq.

Major General Haj Qasem Soleimani, waxa si weyn dilkiisa looga canbaareeyay dalalka Pakistan, Gobolka Khamir, Yemen, Ciraaq, Syria iyo meelo kale,kuwaas oo banaanbaxyo waaweyn laga sameeyay maanta, sidoo kale waxa laga dareemay dunida islaamka ee neceb duulaanka Maraykanka iyo guud ahaan mandaqada Bariga dhexe oo geeridiisa si weyn u taabatay.
Major General Haj Qasem Soleimani, wuxuu ahaa hoggaamiye si weyn u go’doomiyay siyaasada Maraykanka iyo Isreil ee mandaqada, wxaana la saadaalinayaa in geeridiisu saamayn weyn ku yeelanay danaha Maraykanka ee mandaqada, iyadoo Marka laga yimaado Hanjabaada Hoggaamiyaha Iran ay dhaqdhaqaaqyada Ciraaq iyo dhulka Falastiin dhammaantood balanqaadeen in loo aargudayo Major, General Qasem oo ahaa Hoggaamiye lagu goblamay oo dhuunta u galay Maraykanka iyo Israel inay mandaqada ka hirgeliyaan siyaasadooda.