Warbixin: By. Arraale M. Jaamac Freelance Journalist and Human Rights activist.


Hargeysa(ANN)-Kanadiyaanka aan awooddin inay cunaan cunnooyin caadi ah waxay u badan tahay inay goor hore dhintaan, sida lagu sheegay daraasad la soo saaray Isniintii, taasoo muujinaysa inay dadku gaajo ugu dhimanayaan xitaa wadamada hodanka ah ee Kanada ugu horrayso.


Daraasad lagu sameeyay in ka badan nus-milyan ka mid ah dadka waaweyn ee reer Kanada, ayaa lagu ogaaday in gaajadu ay la xidhiidho dhimashada kor u kacaysa ee dalkaa, marka laga reebo Cudurka Kansarka.(cancer) oo qayb weyn ka ah sababaha dhimashada.


Laakiin cudurrada faafa, dhaawacyada ula kaca ah iyo ismiidaaminta haligaada naftooda, ayaa laba jeer u eg inay dilayaan kuwa la kulmay dhibaatooyin xun oo ah helitaanka cunto ku filan oo aannay helin, sida lagu sheegay warqad lagu daabacay (Canadian Medical Association Journal) joornaalka Ururka Caafimaadka ee Kanada.

“Waxay u egtahay inaan ka helnay kiisas sidan ah dunida sedexaad inaan ka helo dunida koowaad, ” sidaa waxa u sheegay xarunta loogu magac-daray Thomson Reuters Foundation, Dr. Fei Men, oo ah qoraa hogaamiya ah, oo xubin ka ah jaamacada Toronto ee Kanada.


, Waxa kale oo uu ka hadlay Dr. Fei Men, dhibaatooyinka cuntooyinka ee Kanada, isagoo yidhi, “Dadka cunno la’aanta ah ee ku nool Kanada waxay la kulmayaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin caabuqyada iyo sumowga daroogada oo aan ka filayno dadka ka socda waddamada soo koraya inay la kulmaan, ”


Qoraaga Reer Kanada, ayaa sheegay in Natiijooyinka sidoo kale si qurux badan usoo jiitay ee lagu arkayo Dunida horumarsan sida Kanada, ay ka mid yihiin cunnooyinka aan la hubin oo ah wali kuwo sababi kara dhimasho.


Warbixinta, ayaa lagu xusay in dalka Kanada In kabadan 4 milyan oo qof halgan ugu jiraan sidii ay heli lahaayeen cunno ku filan, muuqaalka rasmiga ah ee lagu muujiyey daraasad la sameeyay waxa lagu ogaaday in dhibaatada ay qayb ka yihiin dhammaynta cuntada ama boodida cuntada oo deg-deg loo cunno, iyadoo aan la eegayn tirada iyo tayada ay leedahay.
Sidoo kale, Cunto la’aanta ayaa sabab u noqon karta inay keento ‘cunto xumo iyo walbahaar maskaxeed’ taasoo horseedaysa caabuq iyo nafaqo darro, sida lagu xusay warbixinta.


Waraysi laga qaaday ragga qaarkood, waxay sheegeen in aanay awood u lahayn inay mararka qaar maarayn karaan cuntada, waxayna warbixintu tusaale usoo qaadatay kuwa qaba xannuunka macaanka inay u badan tahay in aanay u hoggaansamin dawadooda, marka ay gaajoodaan, sidaa darteed ay suurta gal tahay, ama laga yaabo inay ku yeelato saamayn aad u weyn oo waxyeelo u leh caafimaadkooda.


Daraasad la sameeyay, 2019, ayaa lagu ogaaday xidhiidha ka dhexeeya gaajada iyo mooraalka qpfka oo xummaada xidhiidhka ka dhexeeya, gaar ahaan dadka waaweyn ee Mareykanka, kuwaas oo ay adag-tahay inay helitaan cunno ku filan, taas ay daraasada lagu sheegay inay xidhiidh la leedahay sababaha dhimashada.

Caalamka in kabadan 2 bilyan oo qof ayaa helaya fursad ay ku helaan cunto ku filan oo caafimaad-qabta, taas oo halis gelinaysa caafimaad, ama dhibaatooyin, kuwaas oo ay ku jiraan 8% dadka ku nool Waqooyiga Ameerika ama Yurub, sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay soo saartay ee Bed-qabka cuntada


Baadhayaasha daraasadda dalka Kanada waxay sheegayaan in dad ka badan nus milyan oo u badan dadka waaweyn ay la kulmaan dhimasho ay sababtay cunno la’aan, ama cunno aan Bed-qabin, kuwaas oo in kabadan 25,000 ay dhinteen ka hor inta celceliska da’doodu aanay gaadhin 82 jir.


Natiijooyinka warbixinaha, ayaa muujinaya dadaallada caafimaad ee dadweynaha ee ka hortagga iyo daweynta cudurrada iyo dhaawacyada ay ka wanaagsantahay inay tixgeliyaan helitaanka cunno ku filan dadka oo caafimaad ahaan Bed-qabta, isla markaana la hubiyay, sida ay ku doodayaan qorayaasha sameeyay baadhitanada daraasaraha cuntooyinka. sida ay faafisay wakaaladda wararka ee Reuters