Malayshiyada Suldaan Wabar oo isa soo dhiibtay iyo masuuliyiin ka horrtegay 15 Nov 2015

Malayshiyada Suldaan Wabar oo isa soo dhiibtay iyo masuuliyiin ka horrtegay 15 Nov 2015

Boorama(ANN)Malayshiyo Buuraleyda galbeedka Somaliland ee duleedka Awdal ee magaalada Boorama iyo dhinaca xadka ay Somaliland la wadaagto Ethiopia ee galbeedka ku dhuumaalaysanaysay labadii sanadood ee u danbeeyay, ayaa isu soo dhiibay Xukuumadda Somaliland.

Maleeshiyada, ayaa ahayd koox Hubaysan oo Suldaan Abubakar Cilmi oo ku magacdheer Waber, kula dhuumanayay Buuraleyda xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Ethioppia, iyagoo lala xidhiidhiyay dhacdooyin ka dhacay deegaankaa oo qaarkood sababeen dhimasho iyo dhaawac, balse kooxda Malayshiyada, ayaa dhammaantod isu soo dhiibay ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana soo dhawayn balaadhan loogu sameeyay Magaalada Boorame.
kooxdamalayshiyadaeewabar1

Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan, masuuliyiinta kale ee gobolka iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (Cabdiraxmaan Tolwaa) , Maayarkii hore ee Boorama iyo qaybaha kale ee bulshada, ayaa soo dhoweeyay malayshiyadaa oo watay hubkooda, balse aanu la socon horjoogohodii Suldaan Abubakar Cilmi (Wabar) oo sida wararku sheegeen dhinaca dalka Maraykanka oo hore uu u deganaa ugu laabtay.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Cabdiraxmaan Aw Cali, ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid qiima badda, wuxuuna sheegay in xukuumaddu dejinta dadka deegaankaa iyo sidii wixii tabasho ah loo dhamayn lahaa door weyn iyo xil iska saartay sidii arrinta loo dejin lahaa, wuxuuna ku amaanay Madaxweyne Siilaanyo Cafiska uu u fidiyay dhalinyaradaa.
sidoo kale Badhasaabka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan, ayaa sheegay in mudada Cafiska Madaxweynaha Somaliland, ay ka faa’idaystaan haddii ay jiraan dhalinyaro weli ku danbaysa halka ay ka yomaadeen kooxda isa soo dhiibtay.

Kooxda, ayaa dhawrkii Bilood u danbeeyay weeraro dhuumaalaysi ah ka fulisay xarunta gobolka Awdal ee Boorama, waxaana mid ka mid ah weeraradaa lala beegsaday Guriga Badhasaabka Maxamuud Cali Saleebaan Raxaax, iyadoo dhawr ka mid ah Ilaaladiisa lagu dilay goobtaa, waxayna xukuumaddu xabsiga u taxaabtay dad lala xidhiidhiyay inay gacan siinayeen kooxdaa, kuwaas oo isugu jiray Odayaal, Ganacsato iyo shaqsiyaad kale, balse Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa dhowaan cafis u fidiyay, kadib markii ay muddo ku xidhnaayeen xabsiga Hargeysa, waxaana Madaxweyne Siilaanyo sidoo kale Cafis u fidiyay Suldaan Wabar iyo dhalinyaradaa oo iyagu maanta intii u horaysay soo gaadheen magaakada Boorama, balse aan la ogayn tirada weli ku baaqi ah Buuralayda ay ku dhuumanayeen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380