Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Washington(ANN)-Madaxweynaha Dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa guud ahaanba kala diray guddidii qaabilsanaa qaranka Maaraynta iyo la tacaalida cuddurka Caronavirus, taas oo uu guddoomiye u ahaa Madaxweyne ku xigeenkiisa, Mike Pence.


Madaxweyne Trump, wuxuu sidaa ka sheegay hadal uu ka jeediyay, kaas oo uu ku sheegay in gebi ahaanba la kala diray guddidii qaabilsanaa la dagaalanka xannuunka Coronavirus oo si weyn dhulka u dhigay Maraykanka, isla markaana sababay dhimashadii ugu badnayd, isagoo sidoo kale sheegay in xukuumadiisa ay dusha u ridanayso xakameynta xannuunka COVID-19 ee ay xukuumaddisu u caalweyday.

Trump, wuxuu tan iyo markii xannuunka sida weyn ugu faafay dalka socdaalkiisi ugu horreeyay oo muddo laba bilood kadib ah ku tagay meel ka baxsan Aqalka Cad , ka dib markii uu booqday warshed soo saarta Gafuur-xidhka iyo gamca-gashiga loo xidhto ka hor-tagga xannuunka Coronavirus.
Dhawaaqa Madaxweyne Trump, ku kala diray, guddida la dagaalanka xannnuunka Coronavirus ee ay xukuumaddiisu u weyday xalka, iyadoo dalka Maraykanku noqday ka ugu dhimashada badan Coronavirus, isla markaana maalinba maalinta ka danbaysa uu sii faafayo xannuunku gudaha dalka, iyadoo tirada dhimashada ee COVID-19, sii kordhay, taas oo jaahwareer ku noqotay hawl-wadeenada caafimaadka.

Dalka Maraykanka, ayaa dhimashadu gaadhay 74, 190 qof, iyadoo ku dhowaad 3, 000 qof ay maanta u dhinteen xannuunka Coronavirus, iyadoo tiradaasi ka dhigayso Maraykanka inuu yahay ka ugu dhimashada badan aduunka xannuunka COVID-19.


Daraasad uu hore u sameeyay machadka caafimaad oo ku yaal magaalada Washington ayaa horre u sheegay in dad gaadhaya 100, 000, iyadoo sidoo kale Madaxweyne Trump, hore u saadaaliyay in malaayiin Maraykan ah ay u dhimanayaan xannuunka Coronavirus, iyadoo kiiskii u horreeyay la diiwaan geliyay gudaha Maraykanka Febeury 2020, balse laba bilood gudahood dhimashadu ay kod u dhaaftay 72 kun qof, isla matkaana 131,744 qof.

Coronavirus, oo kasoo bilaabmay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, wuxuu xannuunka safmareenka ah ee sadheeyey dunida oo loo bixiyay COVID-19, tan iyo markii uu kasoo faafay halkaa ku baahay dunida oo dhan, isagoo in ka badan 3,818,577, asiibay, isla markaana ay u dhinteen inta la ogyahay, 264,807 iyadoo ay kasoo kabteen dad gaashaya, 1,292,296, sida ay sheegayaan warxinaha ugu danbeeyay ee lagu diiwaaan geliyay diiwaanka xannuunka COVID-19, May 7, 2020 3 : 18 PM (GMT+3) Worldometer, oo ah Degel tixraac oo bixiya tirinta iyo tirakoobka waqtiga-dhabta ah ee mowduucyada kala duwan, xilligana ah halka ugu weyn ee COVID-19, ee dunida laga helo. walaw ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla markaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer, taas oo sababtay in aan lahayn xog dhab ah oo ku saabsan baaxada faafitaanka iyo tirada dhabta ah ee dadka u dhintay xannuunka COVID-19.

Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafay Adduunka oo dhan oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana ka qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula silay dhaqaalaha aduunka, gaar ahaan dalalkii sheeganayay inuu hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka,kuwaas oo ay kow ka yihiin Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa, oo saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.

AKHRI: Fadeexaddo Kasoo Baxay Dawooyin Horre U Fashilmay Oo Maraykanka Loo Isticmaalay Coronavirus Iyo Dooddaha Ka Taagan

Fayriska, ayaan ilaa hada loo helin, waxayna khuburad Caafimaadka iyo dhakhaatiirtu ku talinayaan in uu leeyahay ka hor-tag keliya oo ah inaad raacdo tilmaamaha iyo tallooyinka ay bixinayaan dhakhaatiirtu. sida kala fogaanshaha, ilaalinta iyo taxadirka oo mar walba lagu dedeealo.

AKHRI: #Coronavirus: Doodaha Murugsan Ee Maraykanka, Sababaha Ay Nafteedta U Haligtay Dhakhtarad Safka Hore Kaga Jirtay Dagaalka COVID-19