Araweelo News Network

muuqaalkamacamalkahWashington(ANN)Hay’adda Difaaca Maraykanka ee Pentagon, ayaa shirkad magaceedu yahay UK PR ku siisay lacag dhan $540 milyan oo dollar si ay u abuurto muuqaal muujinaya falal argagixiso oo ka dhacay waddanka Ciraaq, kaasoo qayb ka ahaa olole borobogaando oo sir ah oo lagu sheegay in saxaafaddu baadhis ku heshay falalkaas.
Shirkadda PR Firm BellPottinger oo sida warbaahintu sheegtay hore loogu yaqaannay inay xidhiidh la lahayd Sucuudiga iyo Madaxweynaha dalka Jili (Chile) Mr. Augusto Pinochet, ayaa millateriga Maraykanka kala shaqaysa hadda si ay u samayso borobogaando sir ah oo fulinta hawlgalladooda ay ku sharciyeystaan.
Shirkaddan ayaa warbixinta u dirta sirdoonka CIA-da, Golaha Ammaanka ee Maraykanka iyo ee Pentagonka si ay ugu xoojistaan hawlgalladooda ka dhanka ah ururka Al-qaacida, una weeraraan meel kasta oo ay ka shakiyaan in cid ka soo horjeeda ku sugan tahay, sida lagu daabacay mareegta warbaahinta RT oo Jamhuuriya soo xigtay.

Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka iyo General David Petraeus oo ahaa taliyihii xilka ku waayey, kadib markii haweenay xidhiidh ka dhexeeyo uu la wadaagay macluumaad sir ah, ayaa saxeexay dhukumantiyo ay shirkadan soo saartay.

Sirkadda The Bell Pottinger ayaa hawlgalkeeda bilawday markii ciidammada Maraykanku galeen dalka Ciraaq, iyadoo shaqadeeda laga dhigay in ay dhiirrigelin ku samaynayso doorashooyinka hannaanka dimoqraadiga ah si Ciraaq looga qabto.

Nin magaciisa lagu sheegay Mr. Martin Wells oo ka mid ahaa shaqaalaha shirkaddan, ayaa u sheegay warbaahinta baadhitaanka sida uu Ciraaq uga shaqeeyey iyo masuuliyaddiisa oo ahayd tifaftirka muuqaallada shirkadda Bell Pottinger. Waxa uu xusay in 48 saacadood la geeyey caasimadda Baqdaad si uu u tifaftiro muqaallo sir ah oo ku saabsan hawlgallo laga fulinayey xerada la yidhaa Camp Victory.

Waxa uu sheegay in shirkaddu samaystay telefishan ay ka muuqdeen Al-qaacida iyo waliba muuqaalka u muuqday Arabic TV, iyadoo laga dhigay in koox loo diray inay duubaan muuqaal tayo liita oo u eg sidii meel la qarxinayo, kadibna shirkaddu tifaftirto, una ekaysiiso war laga baahiyo saxaafadda caalamka.
Waxa kale oo shirkaddu samaynaysay sida lagu xusay warbixinta RT daabacday muuqaallo borobagaanda ah oo Al-qaacida ka turjumaya, kadibna millateriga loo geynayey si looga dhigto caddayn.

“Waxa aannu doonaynaa in muuqaalka noocan ah aad samaysaan, si aannu ugu isticmaalno Al-qaacida. Waxaan doonaynaa inuu toban daqiiqo ahaado, kadibna aan ka dhigo sidii muuqaal sir ah oo aan helnay.” Sidaa waxa yidhi qof shaqaale ka ahaa shirkaddaas oo sheegayey waxyaabaha laga doonayey inuu qabto ee loo tilmaamayey.

Wasaaradda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa caddeeyey in shirkadda Pr Firm ay kala shaqaysay u soo gudbinta macluumaadka unugga u xilsaarnaa mukhabaraadka (Information Operation Task Force (IOTF), una duubeen macluumaad ay ku sheegeen inuu run ahaa. Waxa kaloo ay sheegeen in shirkaddani la shaqaysay unug hawlgallada nafsiga ah ee JPOTF (Joint Psychological Operations Task Force) sida warbixinta RT xustay.
Sidoo kale, dhukumantiga la helay waxa ay muujiyeen in Pentagon-ka Maraykanku ay arrintan ku bixiyeen lacag dhan $540 milyan oo dollar oo ay siiyeen shirkadda Bell Pottinger oo heshiiska lala galay intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2011, halka heshiis kaa ka horreeyey oo isla shirkadan lala galay 2006 Maraykanku ku bixiyey $120 milyan, waxaanay shaqada ay Pentagon shirkaddan u haysay ka dhammaatay 2011-kii oo heshiiskeedu ku ekaa.