Washington(ANN)-Xukuumadda Washington, ayaa shaacisay inay dalkeeda ka masaafurinay Askar Sucuudiya oo tababar ku qaadanayay Saldhiga Ciidamadda Cirka ee (Naval Air Station Pensacola) ee gobolka Florida.


Xeer-Ilaaliyaha guud ee Maraykanka, William Barr, ayaa Isniintii sheegay in Baadhitaan ay sameeyeen Waaxda Baadhista Denbiyada ee Maraykanka ( FBI), lagu ogaaday in weerarkii sedaxda sarkaal Maraykanka ah lagu dilay bishii lasoo dhaafay Saldhiga Ciidamada Maraykanka ee Florida uu ahaa ” Fal Argagaxiso”.

Sidaa awgeed, wuxuu amar bixiyay in 21 Askari oo u dhashay Sucuudiga, isla markaana tababaro ku qaadanayay Maraykanka lagu celiyay dalkooda. kadib bbaadhitaano lagu sameeyay.

Mohammed Saeed Alshamrani sarkaalka Sucuudiga ah ee Maraykanku sheegeen inuu ku dilay Askarta Maraykanka Saldhiga Ciidamada Cirka Maraykanka ee Florida.
Mohammed Saeed Alshamrani sarkaalka Sucuudiga ah ee Maraykanku sheegeen inuu ku dilay Askarta Maraykanka Saldhiga Ciidamada Cirka Maraykanka ee Florida.

Xeer-Ilaaliyaha guud ee Maraykanka, William Barr, wuxuu sheegay Baadhitaannada ay sameeyeen saraakiisha FBI-da ay ku ogaadeen in askarigii Sacuudiga ahaa ee laayay saraakiisha Maraykanka uu ahaa mid xanbaarsan oo aaminsan Fikirka Jihaadiga ah, isla markaana gurigii uu deganaa lagasoo helay Khudbado jihaadka lagu dhiiri-gelinayo oo ay duubeen Culimo mujaahidiin ah oo ka tirsan Al Qaacidda.

“Baadhitaannada ay samaysay FBI, waxay caddeeyeen in Mohammed Saeed Alshamrani, oo ahaa 21, Sucuudiyaan ah oo ka tirsan Ciidamadda Cirka ee Sucuudiga uu sitay derejada Gaashaanle, isla markaana uu aaminsanaa Xagjirnimada oo uu xidhiidh lalahaa dhaq dhaqaaqyo Jihaadi Argagaxiso ah” ayuu yidhi, Xeer-Ilaaliyaha guud ee Maraykanka, William Barr oo warbaahinta la hadlay.

William Barr, waxa kale oo uu sheegay in Sarkaalka Sucuudiga ee Mohammed Saeed Alshamrani, aaminsanaa Fekredaha Nacaybka Israel iyo Maraykanka, isla markaana Baadhitaanada lagu oggaaday, waxyaabo uu dhigay Baraha Bulshada iyo Waraaqo ka hadlaya 11 September oo lagu shaaciyay Baraha Bulshada.


Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa dhankiisa sheegay inay Maraykanka kala qeyb qaadanayaan baadhitaannada socda.

10, December 2019, waxay wasaaradda difaaca Maraykanka ku dhawaaqday in ay joojisay dhammaan tabbabaradii lasiinayay saraakiisha Sacuudiyaanka ah ee ku sugan gudaha dalka Mareykanka, kadib weerarkii lagu dilay 3 sarkaal oo Maraykan ah, kuwaas oo Sarkaal Sucuudiga ah oo magaciisu ahaa Mohammed Saeed Alshamrani ku khaarajiyay Saldhiga Ciidamada Cirka ee Maraykanka ee (Pensacola Naval Air Station), wuxuuna dhaawacyo u geystay 8 Askari oo kale oo Maraykan ah, ka hor intii aan Boolisku toogasho ku dilin Sarkaalka Sucuudiga ah ee magaciisu ahaa Mohammed Saeed Alshamrani oo 21 Jir ah.


Madaxweyne Donald Trump iyo Xisbigiisa Republican, ayaa dhaleecayay falka toogashada ah, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa mid argagixisso, waxayna sheegeen inay Dawladda Sucuudiga iska kaashanayaan baadhitaanada la xidhiidha arrintaa, sida ay shacisay xilligaa Washington Post.


Balse Madaxweyne Trump, ayaa mar danbe dhigay Bartiisa Twitter in aanay dhacdadani waxba ka bedelayn xidhiidhka fiican ee ka dhexeeya Sucuudiga iyo Maraykanka, wuxuuna tilmaamay in shacbiga Sucuudiga ee jecel Maraykanka anaay dhibaatada qof geystay ahayn mid lagu tilmaami karo inay ka turjumay rayalcaamka Bulshada Sucuudiga.