Araweelo News Network

ethiopia02Washington(ANN)Mareykanka ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay ee codkiisa ku biiriyay walaaca laga qabo xukunka degdega ah ee ay dowladda Ethiopia dalkaasi ku soo rogtay.

Arrintan ayaa timid kaddib markii dhawr bilood ay socdeen dibadbaxyo qalalaase watay oo loogaga soo horjeedo dowladda, kuwaas oo ay ku dhaqaaqayeen labada qowmiyadood ee ugu ballaadhan bulshooyinka dalka Ethiopia ku nool.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ka digay in dowladda ay cabudhiso dadka dhaliila, isagoo sheegay inay tallaabada noocaa ah sii xumeyn karto oo kaliya xaaladda haatan dalkaasi ka taagan.

Qeyb ahaan xukunka degdega ah ee ay dowladda Ethiopia soo rogtay ayaa waxaa ka mid ah milateri loo daadgureeyay magaalooyinka dalka iyo isu soo baxa dadweynaha oo la mamnuucay.

Boqolaal qof ayaa dhintay tan iyo markii ay dibadbaxyadu dalkaa ka bilowdeen Nofeembartii la soo dhaafay, dowladduna waxa ay qirtay in tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadu ay sii kordhi karto oo ay gaadhi karto ilaa iyo 500.