Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Washington, ayaa ka hadashay xilka laga qaaday Ra’iisal Wasaarihii dawladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxayna Maraykanku walaac ka muujiyeen hannaanka loo maray xil ka qaadista xukuumaddii Khayre.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, dowladda Maraykanku waxay ka xun tahay waxay ugu yeedhay “ficilladii Madaxweynaha iyo aqalka hoose ee baarlamaanka ee ay kalsoonida kagala noqdeen xukuumadda”, taas oo ay ku tilmaameen in ay xagal daacinayso geedi socodka wadahadallada iyo wada xaajoodyada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.

Sidoo kale, Qoraalka Safaarada ayaa intaa ku dartay in wuxuu ku tilmaamay, “habraacii khaldanaa ee baarlamaanka”,  uu dib u dhac u keenayo qorshihii dib u habaynta iyo taageerada Maraykanka uu siinayay Soomaaliya.”

“xasilooni, ammaan iyo horumar ayaa lagu gaadhi karaa oo kaliya wax wada qabsi iyo in hoggaamiyaasha Soomaaliyeed ay meel dhexe isugu yimaadaan”.

“Haddii shaqsi ama hay’ad ay raadiso inay awoodda kaligeed maroorsato waxa ay carqaladaynaysaa xasiloonida qaranka oo dhan.”ayaa lagu yidhi,  qoraalka ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.

“Safaarada Maraykanka waxa ay sii wadaysaa inay gacan ka geysato sidii doorasho federal ah oo waqtigeeda ku dhacda kana timaada wadatashi iyo wadahadalo wax ku ool ah oo lala yeesho dhammaan saamileyda.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya.

Xukuumadda Washington, ayaa ugu baaqday Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, Golaha Shacaba iyo qaybaha kale inay sii wadaan fulinta heshiiskii lagu gaadhay Dhuusamareeb.

Sidoo kale Maraykanka ayaa ugu baaqay dhammaan hogaamiyaasha Soomaalida iyo saamilayda siyaasada inay danaha qaranka ka hormariyaan danahooda gaarka ah.

Gebegebadii qoraalka ayaa weedho hanjabaad ah lagu soo gunnaanaday, waxaana lagu yidhi, “Waxaan tallaabo ka qaadi doonaa qaswadayaasha doonaya in ay carqaladeeyaan horumarka iyo xasiloonida, dowladnimo loo dhan yahay.”

AKHRI: Ra’iisal Wasaarihii Soomaaliya  Ee Xilka Laga Qaaday Khayre Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa

“Ma dooneyno in Soomaaliya in ay waddo khaldan raacdo,Maraykanku waxa uu marwalba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyaasha danta dalkooda ka hormariya tooda gaarka ah.”ayaa lagu qoraalka kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya.

Qoraalka, ayaa kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, kaddib markii shalay Baarlamaanku kalsoonida kala noqdeen xukuumaddii ra’iisal wasaare Khayre, taas oo Madaxweyne Farmaajo aqbalay, isla markaana ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore Mahdi Guuleed u magcabay inuu sii ahaado ra’iisal wasaare.

AKHIRI: Soomaaliya: Madaxweyne Farmaajo Oo Ra’iisal Wasaare Magcaabay Kaddib Markii Baarlamaanku Kalsoonida Kala Noqdeen Xukuumaddii Khayre