Araweelo News Network

Boosaaso(ANN)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fulisay meel 26 mile u jirta Koonfurta Galbeed ee magaalada Boosaaso.

 

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka oo dhacay labadii June lagu dilay 27 argagixiso.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka aanu wax khasaare ah kasoo gaadhin dad shacab ah.

AFRICOM waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay qaadaan tallaabooyinka ku habboon ee saxda ah, si loo ilaaliyo danaha dadka Maraykanka, loona baabi’iyo argagixsada.

Tani waxaa qeyb ka ah, ayaa lagu yidhi qoraalka, in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom lagula midoobo howlgallada ka hortagga argagixisada, lana beegsado goobaha ay ku tababartaan ee Soomaliya iyo gobolkaba.