Djibouti(ANN)-Maraykanka, ayaa ka hadlay xaaladda dalka Djibouti iyo xiisaddaha ka taagan, waxayna uga diggeen  Muwaadiniinta u dhashay Maraykanka ee ku sugan dalalka Bariga Afrika in ay tagaan dalka Djibouti.

Maraykanka, ayaa sabab u dhigay digniinta mid la xidhiidha sababo nabadgeliyo awgeed, sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda Maraykanku ku leeyahay dalka Djibouti oo maalmihii u danbeeyay ay ka socdeen kacdoono rabshado wata oo ka dhashay xadhigii Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali.

Safaaradda Maraykanka, ayaa sidoo kale, digniinta ay soo saartay ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan dalka Djibouti  in aannay wax dhaq dhaqaaq ah samayn, waxaana lagu wargeliyay oo looga digay in ay tagaan fagaarayaasha magaalooyinka dalka Djibouti ee ay ka socdaan dibad baxyadu, maadaama ay xaaladdu kacsantahay.

Sida lagu sheegay qoraalka digiinta ee kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Djibouti, waxa dadka Maraykanaka ee ku sugan dalkaa lagu adkeeyay  in ay tagaan xaafaddaha ay kamid  yihiin, PK12, Xayaabaley, Balbala Caadi, Sheekh Muuse iyo garoonka Guuleed ee dalka Djibouti.

Maraykanku wuxuu sheegay in muddada ay socdaan dibad baxyada rashadaha wata ay dhici karto in ciidamadda ammaanka ee Djibouti ay adeegsadaan awood xad dhaaf ah kadibna waxyeelo kasoo gaadho dadka ajnabiga ah ee ku suagn dalkaa oo ay ka mid yihiin kuwa u dhashay Maraykanka, sidaa awgeed ay muujiyaan taxadir dheeraad ah.

Dalka Djibouti, waxaa hadheeyay maalmihii u danbeeyay mudaharaadyo rabshado wata, kuwaas oo ay sababeen kacdoono rabshado wata oo ka dhashay xadhigii Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali, isla markaana sii xoogaystay kadib markii dad badan xabsiga loo taxaabay. sida ay sheegtay  Hay’adda LDDH, waxayna warbixin ku sheegtay in marka loo eeggo macluumaadka ay sida joogtada ah u helayaan ee la isku halleyn karo ay soo aruurisay LDDH, qabqabashada sharci-darrada ah iyo xadhigga ay wado xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ay weli  u muuqdaan mid aan xasilloonayn.

Waxayna shaaciyeen liiska Magacyada dadka la qabtay oo isugu jira Rag iyo Haween ah, kuwaas qaarkood ay shaaciyeen magacyadooda.

AKHRI: Hay’ad Xuquuqda Aadamaha Ah Oo Xukuumadda Djibouti Ku Canbaaraysay Xadhig Iyo Tacadi Ay Sheegeen Inay Ku Kacday