• Maraykanka , wuxuu markii u horraysay oggolaaday in la shaaciyo xogta gudihiisa ee COVID-19, kadib xaaladda Faraha ka baxday.
  • Turkigu Wuxuu Soo Saaray Digniin,
  • Sucuudigu wuxuu dunida u qariyay Xujaajtii Cumrada oo Turkiga usoo gudbiyay Coronavirus” Suleyman Soylu

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based Somaliland.


Ankara(ANN)-Xukuumadda Dalka Turkiga, ayaa uga digtay Wakiilada Qunsilyadaha, Safiirada iyo Shaqaalaha safaaradaha ay ku leedahay Aduunka inay kasoo baxaan guryohooda laga bilaabo maanta oo Axad ah.


Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga, ayaa arrintaa sabab uga dhigay innay ujeedada laga leeyahay tahay si loo xakameeyo faafitaanka Caabuqa Coronavirus ee ku faafaya dunida.


Dhinaca lale Turkiga ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Riyadh in ay qarinayso tirada bukaannada xujaajta, isagoo sheegay in kiiskiisii ugu horreeyay ee cudurka Coronavirus ee dalka Turkiga laga helay Xujaatii kasoo laabatay dhiwaan Cumrada ee ka timi dalka Sacuudiga.


Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu, ayaa sheegay in kiisaska ugu horreeyaey Coronavirus lagu xaqiijiyay baadhitaan lagu sameeyay xujaajta kusoo noqotay waddanka kadib markii ay soo guteen Xajka Cumrada ee Makka. sidaana waxa shaacisay Wakaaladda wararka Turkiga ee (Anadolu news agency) oo soo xigatay Soylu, asagoo yidhi, “Saudi Arabia nooma soo sheegin kiis keliya, dunida kalena uma sheegin, mana jrto waxay Aduunka u sheegtay.”

“Dadku way ka soo noqdeen waxay kasoo laabteen Cumrada, Wasaaradda Caafimaadka, ayaa qaaday talaabooyin toos ah, kadib markii kiiska ugu horreeyey la arkay oo Xajka ku dhigay meelaha la go’doomiyay,” ayuu raaciyay Suleyman.


Xukuumadda Turkiga, ayaa Karantiimaysay in ka badan 10,000 oo xujaaj ah markii ay ka soo laabteen Sacuudiga maalmihii ina dhaafay, waxayna sidaa u samaysay, iyadoo muujinay taxadir si loo xakameeyo faafitaanka fayriska Coronavirus.

Ankara, aya Khamiistii lasoo dhaafay ku dhawaaqday inay 16 qof oo cusub ay u dhinteen Covid-19, taas oo tirada guud ka dhigtay 75.


Wasiirka Caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca, ayaa sheegtay in tirada guud ee caabuqa COVID-19, ay gaadheen 3,629, kadib markii Khamiistii baadhitaan lagu sameeyay dad gaadhaya, 7,286 qof.

Xukuumadda Turkiga, ayaa qaaday tallaabooyin badan oo looga golleeyahay xakamaynta faafitaanka Coronavirus, iyo sidii Fayriska loo xakamayn lahaa, waxayna horre u xidhay iskuulada iyo jaamacadaha, kulamada Xafladaha iyo Salaadaha in Jamac laysugu yimaado.


Sidoo kale, Dawladda Turkigu, waxay dib u dhigtay kulamada horyaalada waaweyn ee Ciyaaraha, muddo aan xad lahayn, waxaana la hakiyay duullimaadyadii diyaaradeheedu ay ku tagi jireen wadamo badan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Turkiga, ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in Dukaamada raashinka iyo Supermarker-yada waaweyn ay xaddido doonaan saacada ay furnaanayaan, oo laga dhigay inta u dhexaysa 9-ka subaxnimo ilaa 9-ka fiidnimo, waxaana lugu amray in marka ay dadku wax iibsanayaan qofkiiba ka kale u jirasado qiyaas ahaan 10 mitir oo laba-jibaaran.


Saraakiisha Turkigu waxay ku amreen qof kasta oo da’diisu tahay 65 sannadood iyo wixii ka weyn iyo sidoo kale kuwa qaba cudurrada Neef-qabatinka iyo xannuunada daba-dheeraada inay gurigooda joogaan inta xaalladu is bedelay.
Dhinaca kale, Xukuumadda Dalka Turkiga, ayaa uga digtay Wakiilada Qunsilyadaha, Safiirada iyo Shaqaalaha safaaradaha ay ku leedahay Aduunka inay joogaan guryohooda laga bilaabo maanta oo Axad ah.

“Feejignow digniinaha safaaradaha, qunsuliyadaha guud iyo mas’uuliyiinta waddammada, ” ayuu ku yidhi, fariin Fiidyow ah, Mevlut Cavusoglu oo Bartiisa Twitter-ka kuala farriimaha wakiilada Turkiga ee dibedda.

Safiirka Turkiga u fadhiya U.K. Umit Yalcin, ayaa isna fiidiyowga ku sheegay in Fayraska aan loo gudbin karin dadka kale, hadaad xannuunsanay gurigaaga joog. Safiirka Turkiga ee Maraykanka Serdar Kilic, safiirka dalka Belgium Hasan Ulusoy iyo dhowr qunsuliyadood waxay dadka uga digeen inay kasoo baxaan guryohooda, waxayna usoo jeediyeen inay nabad ku joogaan guryahooda.


Digniinta Safiiradda Turkiga, ayaa timi, kadib markii ugu yaraan 50 qof oo shaqaale ka sahaqaynayay sideed wadan ay u dhinteen COVID-19.Turkiga waxa uu xaqiijiyay guud ahaan 108 qof ay u dhinteen cudurka loo yaqaan Coronavirus, halka guud ahaan tirada dadka uu helay ay yihiin 7,402.

Dhinaca kale, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa adkaysay xayiraadaha ku waajahan kulamada, gaar ahaan Jamaca salaada ee ka dhaca labada masaajid ee waaweyn oo ku yaal magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina khamiistii si ay uga hortagaan fiditaanka mawjad cusub oo Coronavirus ah oo waddanka ka dhacda.


Xukuumadda Riyadh, ayaa illaa hadda waxay diiwaangelisay 1,102 qof, oo COVID-19, ah iyo seddex dhimasho oo lala xidhiidhiyay cudurka coronavirus.

Coronavirus, ayaa dhammaadkii sannadkii 2019 (COVID-19, kasoo bilaabmay Magaalada Wuhan ee Gobolka Hubei oo ah magaalo ganacsi oo ku taal dalka shiinaha, balse dhibaatadu kuma koobnaan Shiinaha oo keliya ee wuxuu Faafitaanka Fayrisku muddo yar si xawli ah uga gudbay xuduudaha, isagoo saamayn ballaadhan ku yeeshay dhaqaalaha Adduunka, siyaasadda, amniga, iyo dowladnimada, waana Fayriskii inta la xusuusanyahay taariikhda sidaa xawliga muddo koobban isaga gudba dacalada dunida ee abuura cabsi weyn, kala qo-qob iyo inuu dhulka galo dhaqaalaha ay ku faanayeen dalal baddan oo shafka taagayay wixii ka horreeyay xilligan.

Tan iyo Desember 2019, waxa uu gaadhay Coronavirus oo haleelay inta la ogyahay, dad gaadhaya 680,000, iyadoo tirooyinka la hayo Desember ilaa 29 March oo ku beeggan saacadda Bariga Afrika (19:37:26 EAT,) ay warbixinihii u danbeeyay sheegayaan in tirada dhimashada ee Aduunka oo dhan inta la ogyahay ay gaadhay, 31,700 , halka ay kasoo kabteen dad gaadhaya 145,600, tirooyinkaa oo ka kooban 177 dal oo Aduunka ah, sida lagu shaaciyay xoggaha rasmiga ah ee la diiwaan geliyay ee ay baahisay Jamacadda Maraykanka ee John Hopkins University.

AKHRI: COVID-19, laguma samayn shaybaadh. Falanqaynta hidda-socodka waxay muujinaysaa inuu ku Yimi si Dabiici ah


Maraykanka, ayaa markii u horraysay oggolaaday in la shaaciyo tirada dalkiisa xannuunku marayo, kaas oo nooqnaya dalaka ugu tirada ugu baddan ee Coronavirus uu gaadhay muddo yar 124,200, iyadoo 21, 000 ay dhinteen, Sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University.