Trump oo beeniyay dhaawaqiisii ahaa “Maraykanku weligiis ma noqon doono ummad baryootan”

New York(ANN)-Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si gaar ah u weydiistay qaar kamid ah xulafada Maraykanka ee Yurub iyo Aasiya, oo ay ku jirto Kuuriyada Koofureed, inay ka caawiyaan dalka sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka ka dhashay faafitaanka Coronavirus.


Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa Arbacadii 24 March ku dhawaaqday inay ka fiirsanayso suurtagalnimada in dalkeedu haysto kayd ku filan oo ah xidhmooyinka tijaabada Coronavirus si ay ugu dirto Maraykanka ka dib taleefanka Trump ee Talaadadii uu la yeeshay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in.


Blue House oo ah Aqalka Madaxtooyadda Kuuriyada Koonfureed, ayaa intaa ku daray in kaalmada uu kasoo dalbaday Maraykanku ee ka timi Madaxweyne Trump, loo tixgelinayo inay tahay codsi deg deg ah, kaas oo jaaab degdeg ah u baahan, isla markaana mudan in laga jawaabo.

Arrintan, ayaa kusoo beegantay wax yar kadib markii Madaxweyne Trump isla maalintaa Talaadadii 23 March, in xukuumaddiisu aannay ku tiirsanaan doonin dalal shisheeye oo ka caawiya dagaalka lagula jiro Coronavirus.


“Waa in aannan waligeen ku tiirsanayn waddan shisheeye ujeeddada nolosheenna, Maraykanku weligiis ma noqon doono ummad baryootan”, ayuu Trump ku yidhi hadal kooban oo uu siiyay Aqalka Cad.


Dhanka kale, Majaladda Foreignpolicy, ee ka faallooda Siyaasadda Dibadda oo soo xiiganaya saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, aya sheegay in Maraykanku weydiistay dhammaan dibloomaasiyiinta ugu sarreeya inay ku cadaadiyaan dowladaha Yurub iyo Eurasia inay sare u qaadaan dhoofinta iyo wax-soo-saarka qalabka caafimaadka Maraykanka.

“Waxay ku xidhantahay baahiyaha daran ee jira, Maraykanku, wuxuu raadsan karaa inuu soo iibsado wax badan oo ka mid ah qalabkaa oo ah waxyaabo boqolaal milyan ah, kuwaas oo ah qalabyo heer sare ah sida hawo-marayn kumannaan kun oo kun,” ayuu yidhi email loo diray safaaradaha Yurub iyo Eurasia. sida lagu shaaciyay Foreignpolicy.


Todobaadkii horre ayay ahayd markii Turkugu u diray Maraykanka shixnadii u horraysay ee Caawimo ah, kadib markii Coronavirus uu sababay jaah wareer Maraykanka, isla markaana dalkaas oo sheeganayay cududu awood iyo dhaqaale uu hadda bilaabay inuu dalbado gurnad.

READ: Turkey sends 500,000 coronavirus test kits to United States