Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based Somaliland.

New York(ANN)-Xukuumadda Maraykanka ayaa gebi ahaanba iibsatay shixnado dawooyinka inta baddan lagu tacaalayay cuddurka Coronavirus ee dunida asqeeyay, waxayna la wareegtay dawada nooca loo yaqaan Remdesivir oo ka mid ahayd laba dawo oo ilaa hadda la xaqiijiyay inay la dagaallami karaan cudurka dilaaga ah ee Covid-19.

 

Waaxda Adeegga Caafimaadka ee Mareykanka, oo magaceeda loo soo gaabiyo (HHS), ayaa Isniintii shaacisay inay gacanta kusoo dhigtay in ka badan 500,000 oo dawada Remdesivir ah, taasoo ay kala wareegtay shirkadda dawooyinka samaysa ee lagu magacaabo Gilead, iyadoo 140,000  xabo oo ka mid ah dawadaa oo hore loo soo saaray dhammaanteed la wada iibiyay.

AKHRI: #Coronavirus Oo Beeniyay Hankii Iyo Qabkii Maraykanka Iyo Xulufadiisa

Sidaana waxa shaaciyay qaar ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn caalamka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, wargeyska The Guardian, New York Post, Al Jazeera iyo Sky News, waxayna dhammaaantood baahiyeen warkaa, iyagoo ku sheegay in xukuumadda Washington ay qaadatay guud ahaan dawooyinkii Remdesivir ee laga heli karayay Aduunka saddexda bilood ee fooda inagu soo haya.

.

Remdesivir ayaa ah dawada koowaad ee la isku waafaqay inay dawaynayso xannuunka Coronavirus, waxaana soo saarta shirkadda Gilead oo kaliya, walaw xilli hore oo la doonayay in lagula tacaalo xannuunka Ebola ee galbeedka Afrika bariinsaday sanando ka hor ay waxba ka tari weyday.

Waaxda Adeegga Caafimaadka ee Mareykanka, ayaa sheegtay in dawadan la wada geynayo Cisbitaallada Maraykanka ilaa bisha September ee soo socota, waxayna noqonaysaa dawada uu Mareykanku keligii qaatay 100% tiradii ay shirkadda Gilead caalamka ugu talagashay bisha July iyo qiyaastii 90% loogu talagalay dunida bisha August iyo September ee 2020.

Madaxweyne Trump, ayaa suurtagaliyay heshiis dhigaya in qof walba oo Maraykan ah uu helo dawada la xaqiijiyay ee ka caawin karta cudurka Covid-19,” sidaa waxa lagu sheegay bayaan uu soo saaray xoghayaha waaxda Caafimaadka Mareykanka, Alex Azar.

“Waxaan doonaynaa in bukaan kasta oo Maraykan ah uu sida ugu fudud u helo dawada Remdesivir,” ayuu ku yidhi, qoraalka Alex Azar.

Wargeyska kasoo baxa Dalka Britain ee The Guardian, ayaa ku tilmaamay Tallaabada uu Maraykanka ku iibsaday keligii dawadaa in ay ka dhigayso in dalalka UK, Europe iyo caalamka intiisa kale aannay heli karin dawadaa.

Sidoo kale, Khubarada caafimaadka iyo dadka u ol’oleynaya helitaanka dawada fayriska COVID-19, ayaa walaac ka muujiyay go’aanka ay dowladda Maraykanka dawadaas kaligeed ugu qaadatay, waxayna sheegeen in arrintan ay cawaaqib xumo aad weyn dhalin karto haddii lagu guul darreysto in si deg deg ah loo soo saaro tallaalka Covid-19.

AKHRI: Fadeexaddo Kasoo Baxay Dawooyin Horre U Fashilmay Oo Maraykanka Loo Isticmaalay Coronavirus Iyo Dooddaha Ka Taagan

Dhinaca kale, cuddurka COVID-19, oo kasoo faafay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, ayaa  gaadhay  213 dal oo dunida ah, xannuunka safmareenka ah ayaa  sadheeyey dunida, waxaana loo bixiyay COVID-19, tan iyo markii uu kasoo faafay halkaa ee baahay dunida oo dhan, wuxuu asiibay in ka badan 10,690,566, iyadoo  ay u dhinteen inta la ogyahay, 516,393 halka ay kasoo kabteen dad gaadhaya, 5,856,464.

Sida ay sheegayaan warbixinaha ugu danbeeyay ee lagu diiwaaan geliyay diiwaanka xannuunka COVID-19, 1 July, 2020, 9 : 36 PM (GMT+3), degelka Worldometer, oo ah Degel tixraac oo bixiya tirinta iyo tirakoobka waqtiga-dhabta ah ee mowduucyada kala duwan, xilligana ah halka ugu weyn ee lagu ururiyo COVID-19, tirada uu asiibay ee dunida oo dhan.

Maraykanka, ayaa noqonaya dalka uu cuddurku sida weyn ugu faafay, isla markaana dhimashada ugu baddan uu sababay, waxaase xusid mudan in ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla markaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer, taas oo sababtay in aan lahayn xog dhab ah oo ku saabsan baaxada faafitaanka iyo tirada dhabta ah ee dadka u dhintay xannuunka COVID-19.

Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafaya Adduunka, kaas oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana kala qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula simay dhaqaalaha aduunka oo gaadhsiiyay khasaare weyn, gaar ahaan dalalkii sheeganayay in ay hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka, kuwaas oo ay kow ka yihiin Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa oo saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.

Fayriska, ayaan ilaa hada loo helin dowooyin iyo talaal midna, waxaana marar baddan laysku khilaafay dawooyin la sheegay in loo isticmaali karo, kuwaas oo doodo murugsan ka dhasheen, iyadoo khuburada Caafimaadka iyo dhakhaatiirtu ku talinayaan xannuunkan in aan ilaa hadda si dhab ah loo hayn dawooyin si sax ah loogu adeegsan karo, balse sida keliya ee lagag badbaadi karaa ay tahay in uu leeyahay ka hor-tag keliya oo ah inaad raacdo tilmaamaha iyo tallooyinka ay bixinayaan dhakhaatiirtu. sida kala fogaanshaha dadka, ilaalinta iyo taxadirka oo mar walba lagu dedeealo.