New York(ANN)-Maraykanka, ayaa galay xaalad jaah-wareer iyo wer-wer kadib markii saacadihii u danbeeyay ay dhimashadii ugu badnayd inta la ogyahay saacado gudahood ay ku nafwaayeen dad ku dhow laba kun oo qof, isla markaana uu kor u kacay faafitaanka cudurka sida weyn ugu baahay Maraykanka iyo dunida kaleba.


Wararkii u danbeeyay ee dhinaca dalka Maraykanka, ayaa sheegaya in la diiwaan geliyay dhimashada 1,150 coronavirus 24 saac gudahood, sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins ee Maraykanka, waxayna tiradaasi kor u dhaaftay tirada la hayay Isniinta oo ahayd 10,000.


Sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Jaamacadda Johns Hopkins, waxaa jira in kabadan 366,000, kuwaas oo ah kiiska cudurka Coronavirus ee dalka Maraykanka, iyadoo ay ku jiraan in kabadan 30,000 oo kiisas oo muddo 24 saac gudahood ah la diiwaan geliyay.


Cabashooyin iyo qaylo-dhaan ayaa kasoo yeedhay dhammaan gobolada dalka Maraykanka, iyadoo aannay jirin adeegyadii caafimaad, isla markaana aannay waxba ka hirgelin balanqaadkii Madaxweyne Trump, taas oo sababtay in Fayrisku si xawli ah usii kaco, isla markaana dhimashadu u badato saacadihii u danbeeyay.


Xaaladda, ayaa sidoo kale si weyn u mooraal jebisay Dhakhaatiirta la xarbiyaya bukaanka, kuwaas oo ka cabanaya in aannay hayn wax adeeg ah, waxaana la arkayay sida ay Telefishanada Maraykanka qaarkood baahiyeen Dhakhaatiir la ilmaynaya xaaladda ay u maaro waayeen iyo kuwo kale oo niyad-jab u joojiyay shaqada.


Dhinaca kale, In kabadan 10 milyan oo Maraykan ah ayaa gudbiyay codsi ku saabsan mushaharkoodii kadib markii shaqooyinka looga joojiyay xaaladda Coronavirus, kuwaas oo aan helin wax jawaab ah.

Tirada Caabuqa COVID-19, ee dunida ku faafay, ayaa gaadhay 1,414,710, halka tirada dhimashadu gaadhay maanta 81,248.