Washington(ANN)-Xafiiska Dawladda Maraykanka u qaabilsan Maaraynta Hantida Shisheeye ee loo soo gaabiyo(OFAC) oo kaashanaya Waaxda Xayiraaddaha Maaliyadeed iyo Kahortagga Naqshadaynta Argagixisanimada iyo hay’adda sirdoon  ee dhanka arrimaha dhaqaallaha iyo meel marinta fulinta Waaxda Maaliyadda Maraykanka ee maamusha, isla markaana fulisa cunaqabataynta dhaqaale iyo ganacsi ee lagu taageerayo amniga qaranka iyo ujeeddooyinka siyaasada dibedda ee Maraykanka, ayaa gebi ahaanba xayiraadii ka qaaday Liiska Ganacsiyada iyo shirkaddaha hore loo xayiray ee Soomaalida. 

Waaxda Maaliyadda Maraykanka oo kaashanaysa, La-tacaalista Naqshadaynta Argagixisanimo iyo  Ha’yaddaha ay kushayso arrinta Xayiraadaha Maaliyadeed, waxay qoraal rasmi ah oo lagu shaacisay (U.S. Department of the Treasury) oo ku taariikhaysan 2/12/2020, ku shaacisay Magacyada Shirkaddaha, Ganacsiyada iyo shaqsiyaadka laga masaxay Liiska Xayiraadaha Maraykanka.Ganacsiyada, Shirkaddaha iyo Shaqsiyaadka laga masaxay Liiska hore loogu daray ee ay shaacisay Waaxda Maaliyadda Maraykanku, ayaa u dhignaa sidan:-


Shirkadda Sarifka Lacagaha qalaad ee AL BARAKA EXCHANGE LLC, oo xarunteedu tahay Deira, Dubai, United Arab Emirates. Shirkadda AL-BARAKAAT, xarumeheeda iyo xafiisyadeeda Mogadishu, Somalia; Dubai, United Arab Emirates,  Bangiga AL-BARAKAAT BANK,  mararka qaar loo yaqaan (BARAKAAT BANK OF SOMALIA; “BBS”),ee xarumihiisu yihiin Mogadishu, Somalia, Boosaaso.

  Sidoo kale, waxa Xayiraadii laga qaaday , shirkaddaha iyo ganacsiyada sita magacyada, AL-BARAKAAT GROUP OF COMPANIES SOMALIA LIMITED ee loo yaqaan (a.k.a. AL-BARAKAT FINANCIAL COMPANY), oo xarumo iyo xafiisyo ku leh Dubai, United Arab Emirates; Mogadishu, Somalia. 

Waxa kale oo laga saaray Liiska hore loogu daray Shirkadda ugu weynayd Isgaadhsiinta geyiga Soomaalida ee AL-BARAKAT GLOBAL TELECOMMUNICATIONS, isla markaana loo yaqaanay  (a.k.a. BARAKAAT GLOBETELCOMPANY), xarumaheeda iyo xafiisyadeeda dhammaan Dubai, United Arab Emirates; Mogadishu, Somalia iyo Hargeysa, Somaliland iyo shirkaddaha kale sita magaca BARAKAAT GROUP OF COMPANIES, xarumahooda Dubai, United Arab Emirates; Mogadishu, Somalia. 

Sidoo kale, waxa Xayiraadii laga qaaday Shirkadda sidata BARAKAAT NORTH AMERICA, INC, xarumaheeda iyo xafiisyadeeda Washington St., Dorchester, MA, United States; iyo  Ottawa, Ontario, ee dalka Canada,  shirkadda loo soo gaabiyo BTELCO ee loo yaqaan (a.k.a. BARAKAAT TELECOMMUNICATIONS COMPANY LIMITED), xafiisyadeeda Mogadishu, Somalia iyo dalka Netherland. 

Xafiisyada Shirkadda sidata Magaca AL-BARAKAT INTERNATIONAL (a.k.a. BARACO CO.), ee Dubai, United Arab Emirates iyo  BARACO CO. oo loo yaqaan (a.k.a. AL-BARAKAT INTERNATIONAL), isla markaana xarumo ku leh, Dubai, United Arab Emirates iyo shirkadda  Maalgelinta ee AL-BARAKAT INVESTMENTS, oo xarumo ku leh Dubai, United Arab Emirates.

Shirkaddaha kale iyo ganacsiyada laga saaray liiska wax aka mid ah, shirkadda sidata magaca,  RED SEA BARAKAT COMPANY LIMITED, xafiisyadeeda iyo xarumaheeda Somalia; Dubai, United Arab Emirates, iyo Xawaaladda iyo Bangiga BARAKAT BANK AND REMITTANCES, ee xarumaha ku leh, Mogadishu, Somalia iyo Dubai, United Arab Emirates, sidoo kale BARAKAT GLOBAL TELEPHONE COMPANY, AL-BARAKAT FINANCE GROUP, xafiisyadooda Dubai, United Arab Emirates iyo Mogadishu, Somalia, AL-BARAKAT FINANCIAL HOLDING COMPANY, xarumahooda Dubai, United Arab Emirates; Mogadishu, Somalia iyo BARAKA TRADING COMPANY, xaruntiisa Dubai, United Arab Emirates.’


Ganacsiyada iyo shirkaddaha Maraykanku ka qaaday Xayiraada, waxa kale oo ka mid ah Shirkaddaha BARAKAT COMPUTER CONSULTING ee loo yaqaan (a.k.a. “BCC”), Mogadishu, Somalia iyo BARAKAT CONSULTING GROUP (a.k.a. “BCG”), xarumahooda Mogadishu, Somalia, BARAKAT POST EXPRESS ee Muqdisho, Somalia.

Waxa kale oo lagu xusay Liiskaa ganacsiyo, shirkaddo Soomaaliyeed iyo shaqsiyaad ay hore Maraykanku u xayireen, kuwaas oo Dawladda Maraykanku shaacisay in laga saaray Liiskaa hore loogu daray ee xayiraada dhaqaalahooda iyo ganacsiyadoodii