Wuxuu Safka Hore Kaga Jiray Hoggaamiyayaasha Xulufada U Muujiyay Madaxweyne Putin

Araweelo News Network.

Islamabad(ANN)-Maraykanka ayaa ku guulaystay in xukunka laga tuuro Ra’iisal wasaarihii dalka Pakistan Imarn Kha, kaddib markii  hor yimi siyaasada Maraykanka eek u waajahan dalkiisa, iyadoo Washington xidhiidha ganacsi oo aad u ballaadhan la leedahay Pakistan,

Raiisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan, image file Araweelo News Network.

Sidoo kale, Maraykanku uu dhaqaale miisaaninayadeed oo ku magcaaban taakulo uu siiyo milateriga dalka Pakaistan.

Imran Khan oo ahaa ra’iisal wasaare muddo yar xilka hayay, waxa xukunka ka tuuray Baaralamaanka dalka, kaddib markii codka kalsoonida loo qaaday, iyadoo Maraykanku dabada ka riiixayay qorshaha xukunka lagaga tuuray Khan.

Khilaafka Maraykanka iyo Ra’iisal wasaaraha xukunka laga tuuray, ayaa soo jiitamayay muddooyinkii u danbeeyay, balse waxay arrimuhu cakirmeen, kaddib markii uu dhowaan si badheedh ah u sheegay in dalkiisa dhexdhexaad ka yahay dhacdooyinka caalamka isagoo xilligaa oo ku beegan bishii February 2022, booqasho ku tegay Moscow.

Imran Khan, ayaa ku laabtay dalkiisa, isagoo safarka laabashada dalkiisu kusoo maalintii Madaxweynaha Ruushka Valadamir Putin bixiyay amatka duullaankii ciidamadiisu ku ekeeyeen dalka Ukraine.

Ra’iisal wasaaraha xilka laga tuuray ayaa si badheedh ah ugu eedeeyay Maraykanka inuu doonayo in meesha laga saaro kadib safarkii uu ku tegay Ruushka, wuxuuna soo bandhigay warqad uu ku sheegay in Washington ay ugu digtay dalkiisa, balse laam dhegeysan dooddiisa la xidhiidha arrintaa.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasada dalka Pakistan, ayaa tilmaamaya in culays weyn uu ra’iisal wasaare Imran Khan kaga yimi dhanka millateriga dalka oo si weyn saamayn ugu leh xukunka iyo tallada dalka, wallow ay Pakistan tahay dal dimuqraadi ah oo nidaamka Baarlamaaniga ee Xisbiyada ku dhisan, waxayna dadka faallooda tibaaaxayaan in Imran Khan aanay muddooyinkan u danbeeyay isku fiicnayn Millateriga oo door ku lahaa doorashadii uu ku guulaystay kursiga 2018.

Khilaafka milateriga iyo Imran Khan ayaa soo shaac baxay bishii October xilligaa oo ahayd markii uu taliyaha sirdoonka u magacaabay jenaraal Faa’is Xamiid, isagoo iska dhegaha ka furaystay talooyinka janeraalada Millateriga ee rabitaankooda cidda qabanaysa xilkaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha xilka laga qaaday iyo jenaraaladda ciidanku ay isku qabteen arrimo ay kamid yihiin dalacsiinta askarta iyo siyaasadda arrimaha dibedda, balse ma jiraan warar xaqiijinaya arrimahaa.

Khilaafka oo la rumaysanayahay in Maraykanku dabada ka riixayo, ayaa sababay in Xisbiyada Mucaaradku isu bahaysteen sidii ay xukunka uga tuuri lahaayeen Imran Khan, iyadoo xulafada isu bahaystay ay ugu tun weyn yihiin Pakistan People’s Party (PPP) iyo Pakistan Muslim League – Nawaz (PML-N), kuwaas oo ugu danbayntii ku guulaystay in daaqada laga saaro Khan.

Dhinaca kale, waxa jira in xilka qaadista ra’iisal wasaare Imran Khan ay qayb ka yihiin waxyaabaha dhiirigeliyay dhaqaalo xumo soo waajahday dalka oo sababtay sicir barar baahsan iyo taageerada millateriga oo uu waayay, waxayna arrinta maceeshada iyo sicir bararku sababeen in Imran Khan waayo kalsoonida dadweynaha.

February hroraantii sannadkan, iyadoo dhibaatooyinka sicir-bararku ka jira dalka, wuxuu ra’iisal wasaare Khan gon’aansaday inuu dhimo qiimaha shidaalka iyo laydhka, walow uu sare u kacayay sicirka bartoolka adduunka oo aannay tallaabooyinka uu qaaday wax baddan ka tarin mushkiladaha ka taagnaa dalka.

Arrinta sicir-bararka iyo maceeshada oo kor u socday, ayaa sbabay in culays dhaqaale uu waajaho dalka Pakistan, waxaana todobaadyadii u dambeeyay dhulka galay safirka lacagta loo yaqaan rupee ee dalka Pakistan, sidaa awgeed waxa lagu tilmaamay in ay qayb weyn ka qaadatay arrintaasi in xkunka laga tuuro Khan, isagoo aan dhammaysan mudda xileedkiisa dastuuriga ah.

Maalmo ka hor markii uu soo shaac baxay culayska siyaasadeed ee haysta Imran Khan, ayaa xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) waxa uu lumiyay aqlabiyaddii uu ku laha baarlamaanka, taas ayaa horseeday in inta badan xildhibaannada Baarlamaanku ay u codeeyaan in xilka laga qaado Khan.

Hase yeeshee Pakistan maaha wax lala yaabo in xukunka laga ra’iisal wasaare la doortay oo dhamamaysan muddada, ama afgenbi xukunka lagaga tuuro, iyadoo tan iyo markii ay India ka go’aday 1947, xilligaa 75 sano ka hor ku beegan weli Pakistan ay sugayso ra’iisal wasaare dhamaysta muddo xileedkiisa shanta sannadood ah ee dastuuriga ah.

Inkasta oo dalku sannado badan ahaa dal dimuqraadi ah oo qaatay nidaamka baarlamaaniga ah, balse laga soo bilaabo 1947 soo maray 29 ra’iisal wasaare oo mid kamid ah laba goor xilka loo dhaariyay sanad gudihii.

18 ra’iisal wasaarayaal ah oo xukunka dalka Pakistan loo dhiibay, ayaa xilalka laga qaaday sababo afgembi millateri, khilaaf xisbigooda dhexdiisa ah iyo eedeymo musuq maasuq oo lala xidhiidhiyay, halka ra’iisal wasaarihii koobaad,dalka Pakistan yeesho oo ahaa Liaquat Ali Khan, toogasho lagu dilay magaalada Rawalpindi, October 1951. Wallow ay jireen kuwo mudadoodu koobnayd oo xil gaadhsiin ahaa, sidaa awgeed, waxa xusid muddan in sanandkii 1999, dalka Pakistan shan ra’iisal wasaare la isku bedalay muddadaa sannadka ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com