050715-N-8163B-037Washington(ANN)Maraykanka, ayaa Markab Kuwait dagaalka ah too lagu magcaabo USS Theodore Roosevelt u diray dhinaca Yemen, kaas oo la donayo inuu ka hot istàago inay Biyaha Yemen u gudbaan 7 ilaa 9 Maraakiibta Iran ah oo todobaadkan u boqoolay halkaa.
USS Theodore Roosevelt oo xanbaarsan Diyaaradaha F/A-18 Fighter jet iyo   USS Normandy oo xanbarsan gantaalaha missile cruiser, ayaa Axadii Todobaadkan kasoo dhaqaaqay Persian gulf, isagoo haysta khadka biyaha carabta.
Sarkaal u hadlay ciidammada Mareniska ee Maraykanka ayaa u xaqiijiyay Fox news in ay ku biirayaan ilaalinta biyaha Yemen ee laga cabsiqabo in xaaladu is bedesho dagàal dhexmara Iran iyo Sucuudiga too hormood u ah duqaymaha lagu hayo malayshiyada xuutiga.
Saraakisha Maraykanka, ayàa sheegay inay hayàan cadaymo muujinaya in Iran taageero milateri siinay xuutiyiinta Yemen, taas oo ay sheegeen in ay xaalada uga sii daray.

Maraakiibta Dagaalka ee USS Theodore Roosevelt oo xanbaarsan Diyaaradaha F/A-18 Fighter jet, isla markaana sida 60 Diyaaradood iyo ciidamo gaadhaya 5,000, ayaa qayb ka ahaa weerarada dagaalka Ciraaq iyo Syria ee kooxaha Islaamiyiinta Daacish oo ay reer galbeedka isu xulufaysteen xukuumaddaha Ciraaq iyo Syria, wuxuuna usoo jihaystay dhinaca gacanka cadmeed, isagoo  ku biiraya Maraajiib hore uga joogay Ciidamada Badda ee Maraykanka oo ku sugan Biyaha Gacanka Cadan iyo Badda Cas, Maraykanka ayaa sheegay in 1April la arkay Markab sita Calanka Panama oo looga shakiyay inuu si sharci-daro ah hub ugu siday Xuutiyiinta dalka Yemen, iyadoo ay muuqato xiisada u dhaxaysa Iran iyo Sucuudiga ee la xidhiidha arrinta Yemen inay mandaqada kusoo kordhisay xaalad cabsideeda leh.
Maraykanka, ayaa sheegay inay sii wadayaan sidii Hubka sharci-darada ah, Kootarabaanka, tahriibinta dadka iyo waxyaabaha la xidhiidha Daroogada ee si taxadir leh uga ilaalinayaan halkaa, balse Washington, waxay sheegtay inay ka wer wersantahay in Yemen noqoto meel ay ku cartamaan labada quwadood ee Iran iyo Sucuudiga.

Army Col. Steve Warren , Afhayeenka Pentagon , ayaa sheegay Talaadadii in ay daawanayaan maraakiibta Iran oo aan weli ka gudbin biyaha caalamiga ah, wuxuuna sheegay inay kolanyadu  ka kooban tahay sagaal maraakiibta xamuulka . Ma jiraan maraakiibta dagaalka ee kolonyada Iran, ayuu raaciyay.

 

Iran ayaa todobaadkan Kolanyo maraakiibta dagaalka ah oo 7 ilaa 9 markab ah u dirtay biyaha Yemen, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Lab aka mid ah Maraakiibta dagaalka Iran u gudbeen biyaha Yemen, kuwaas oo aan ka fogayn marinka muhiimka ah ee Baabal-mandab, wararka qaar ayaa sheegaya inay suurtagal tahay in dhinaca dalka Cuman oo aan ku jirin xulufada u gudbaan, isla markaana dhinaca Bari xad kala wadaagta Yemen, halkas oo laga cabsiqabo in Hub looga soo gudbiyo Xuutiyiinta, iyadoo dhinaca dhulka looga soo gdbin karo.

Taageerada Maraykanka ee xulufada Sucuudiga, ayaa sababtay in xidhiidhka xukuumadda Ciraaq iyo Maraykanka shaki soo kala dhexgalo, iyadoo Maraykanku xulufo kula ahaa xukuumadda Ciraaq ee shiicadu hoggaaminay dagaalka ay kula jiraan Daacish, balse taageerada xulufada Sucuudiga ee duqaynta shiicada xuutiyiinta Yemen, ayaa ka cadhaysiisay xukuumadda Ciraaq.
Sidoo kale Iran oo wadahadal dhinaca Hubka Nukliyeerka lagula jiray, waxay arrintani u muuqatay mid sii xumaynay qorshihii la doonayay inay Iran ka qaadato quwadaha waaweyn ee rajada iyo yididiilada laga filayay.
Si kastaba ha ahaatee Dagaalka Yemen oo waqtigan saamayn weyn durba ku yeeshay mandaqada iyo dunida kaleba, waxa hadda si cad u muuqda inay Iran iyo Xulufada Sucuuidgu kala taageerayaan labada dhinac, kuwaas oo weeraro afka ah oo meel xun maraya warbaahinta isu marinaya, waxaana duqaymaha dhinaca cirku sababeen bur-bur iyo dhimasho balaadhan, iyadoo Boqolaal qof oo ka qaxay Dagaalka Yemen u gudbeen Dalalka Djibouti, Somaliland, iyo dhinaca Maamul goboleedka Puntland ee Somalia, kuwaas oo ka talaabay dhinaca gacanka cadmeed.
Hay’addaha gargaarka ayaa ka walaacsan xaalada dalka Yemen, gaar ahaan magaalada dekedda ah ee Cadan oo aanay jirin dawooyin, cunto iyo biyo, waxayna duqaymaha dhinaca Cirka ee xulufada Sucuudigu noqdeen kuwo aan waxba ka beddelin qabsashada xuutiyiintu ku doonayeen inay ku qabsadaan Magaalada Cadan ee Istiraatiijiga ah iyo magaalooyinka kale ee muhiimka ah, marka laga reebo gobolka dhinaca Bariga ee kooxda Al Qaida Yemen awooda ku leedahay, kaas oo aanay suurta gal ahayn inay fooda geliyaan Xuutiyiinta iyo Xulufada ciidanka Madaxweynihii hore ee Cali Cabdalla Saalax.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.