Lamu-Island, Kenya(ANN)-Dagaalyahanka Al-Shabab ee ka dagaalama Soomalaiya, ayaa sheegay inay gudaha u galeen Saldhiga Millateri ee ku yaal deegaanka Jasiirad lamooda Lamu ee ay jaarka yihiin Jasiiradda kale ee Malindi oo ku yaal duleedka Woqooyi Bari ee Magaalada Xeebta ah ee Mombasa.


Deegaanka Jariiddaraha Lamu iyo Malindi, ee kulaalaya Badweynata India Ocean ee xeebaha Dalka Kenya, waxay Al-shabaab sheegeen inay ku qaadeen waarraro saaka waaberigii, isla markaana ay gudaha u galeen Saldhiga Millateri ee Maraykanka ee ku yaal halkaas oo sida ay sheegeen ay ku gubeen Diyaarado iyo saanad Millateri, isla markaana khasaare gaadhsiiyeen Ciidamadda ku sugnaa ee Maraykanka iyo Kenya xilligaa weerrarku dhacay.

Hase yeeshee Ciidamada Difaaca Kenya ee loo soo gaabiyo (KDF) ayaa warbixin ay soo saareen maanta oo Axad ah ku sheegay, war kaas ka duwan, waxayna sheegeen ” in abbaara 5:30 aroornimo waxaa la isku dayay in lagu xadgudbo amniga garoonka diyaaraddaha Jasiirada Manda, balse ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerrarkaa, isla markaana waxay war ay goordanbe soo saareen ku sheegeen inay dileen 17 oo Maraykan ah iyo 9 ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya.

Al-shabab waxa kale oo ay Bayaankeeda ku sheegtay inay Saldhigaa ku bur-buriyeen Todobada diyaaradood iyo gaadiid Milateri oo gaadhaya 5. gaadhi.


Sidoo kale, waxa weerrarka u xaqiijiyay Taliska Ciidamadda Maraykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo, (AFRICOM), waxayna ku yidhaahdeen qoraal kooban oo ay kaga hadlaayan weerrarkaa,

“Taliska Maraykanka ee Qaaradda Afrika wuxuu ogyahay inuu jiro weerar ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Manda ee Kenya, waana la soconayaan xaalada. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dhacdadaa. Markay xaqiiqooyinka iyo faahfaahintu soo baxaaan, waxaan soo bandhigi doonaa wixii cusub ” ayaa lagu yidhi, qoraalka Taliska Maraykanka ee Hawlgalka Afrika.


Qoraalka kooban ee kasoo baxay Taliska Ciidamadda Maraylanka ee Afrika, laguma xusin khasaaraha dhabta ah iyo khasaaraha ay Al-Shabab ku sheegeen bayaan ay soo saareen inay ka geysteen saldhigaa, waxa keliya Taliska Maraykanku sheegay inay Al-shabaab sheegatay weerrarkaa, wixii dhacayna ay faah-faahin kasoo saari doonaan.

Cabdallah Barghash, oo ah goobjooge, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay arkayeen Weerarka oo sababay in qiiq weyn oo madaw hawada ku xidhnaa in badan, Barghash wuxuu ka mid ahaa dadkii daawanayay wixii ka dhacayay ee ka muuqday Jasiiraddaha Lunu island Manda oo ka socota Jasiiradda Lamu ee deriska la ah, kuwaas oo ka mid ah meesha ugu dalxiiska badan dalka Kenya.

Dhinaca kale Weriyaha Al Jazeera oo ku sugan Nairobi, ayaa yidhi, “Saldhigga si weyn ayaa loo adkeeyay Al-shabaabna waxay ku guuleysteen inay jebiyaan. Waxaa naloo sheegay weerarka dhabta ah inuu dhammaaday iyo in ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka ay ku dagaallamayaan aagga iyagoo isku dayaya inay soo helaan kuwii mas’uulka ka ahaa weerrarkaa,” ayuu yidhi, Haru Mutase.

Wuxuu intaa ku daray in Aaggu Jasiiraddahaa u dhowdahay Kaymaha Boni ee Al-Shabab loo maleynaayo inay ku dhuuntaan. Waqtiyadii la soo dhaafayna, ciidamada amniga Kenya waxay galeen Kaymahaa iyagoo doonayay inay ka saaraan si ay isugu dayaan inay dabar gooyaan dagaalyahanada al-Shabab, balse wuxuu xusay in xaaladu weli u muuqato in laysku haysto aagga.

Al-shabaab hore sidan oo kale weerraro uga fuliayay deegamada Jasiiraddaha Manda Island Lamu Island, kuwaas oo sannadihii lasoo dhaafay ay marar badan khasaare ka geysteen, waxayna Jasiiraddahaa oo hada ay ku yaaliin Saldhiga Millateri ee Taliska Maraykanaka ee hawlgalka Afrika yihiin kuwo ahmiyad weyn oo istiraatiijiyadeed iyo mid dhaqaale u leh Kenya oo xulufo la ah maraykanka, waxaana lagu tilmaamaa deegaanka dalxiiska ugu badan ay booqdaan.


Mana aha markii u horraysay ee Al-shabaab guud ahaan weerrar ka fuliso gudaha Kanya, tan iyo markii ay Ciidmadda Kenya galeen gudaha Soomaaliya, February 22, 2012, waxaana la xuususan yahay weerarkii khasaaraha ugu weyn dhaliyay ee xaafadda Westland ee Hotelka DusitD2 oo ka mid ah Huteelada lagu raaxaysto ee ugu caansan dunida ee loo yaqaan five-star, ayaa ka kooban 101 qol iyo barxado waaweyn, kaas oo inta badan uu xarun u ahaa Hay’addaha qaramada midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya iyo Nairobi, kaas oo weerrar Al-shabaab sheegatay lagu qaaday Jan 15th, 2019.


Sidoo kale weerarkii khasaaraha baddan dhliyay ee Westgate oo ka dhacay goob dumaakaysi oo ku taal Nairobi, September 2013, kaas oo qaatay ku dhowaad 80 saacadood, kadibna ay baxsadeen kooxdii fulisay, iyadoo inta la ogyahay lagu dilay 67 qof.

Akhi: Warbaahinta Kenya Oo Soo Bandhigtay Fadeexada Ka Dhalatay Weerarkii Westagate Kadib Markii La Ogaaday In Kooxdii Weerarka Fulisay Ka Baxeen Dhismaha Daawo Video


Jamacadda Garissa University College ee April 2015, kaas oo lagu dilay 148, ka mid ahaa Ardaydii wax ka baranaysay Jaamacadda iyo weerraro kale oo Al-shabaab ka fulisay gudaha dalka Kenya, tan iyo markii Ciidamadda Kenya galeen gudaha Soomalaiya, February 22, 2012 .