Nairobi(ANN)-Dawladda Maraykanka, ayaa ugu baaqday Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ka hadho dawcada Badda ee u dhaxaysa dalka Kenya.


Sidaana waxa shaaciyay Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya, Kyle McCarter oo sheegay in uu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya in dacwadda badda lagu xaliyo meel ka baxsan maxkmadda caalamiga ah ee ICJ, ee kiiskaasi horyaal.

Ambbasador Kyle McCarter, wuxuu ku sheegay Wareysi siiyay wargeyksa ugu afka dheer dalka Kenya ee The Daily Nation , isagoo ka jawaabaya su’aal la xidhiidhay halka dowladda Mareykanka ay ka taagan tahay arrinta badda ee ay isku hayaan labada dal.

“Arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadhadalka u iman lahaayeen, aniguna waxaan tegey Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmajo uga la hadlo arrintan, waxaana u sheegay inuu isaka baxo kiiska maxkamadda ,” ayuu yidhi, safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya.

Ambbasador Kyle, ayaa sidoo kale sheegay in caqabada ugu weyn ee hortaala madaxda Kenya iyo Soomaaliya ay tahay sidii looga adkaan lahaa ururka Al Shabaab, taas na ay tahay qaabka keliya ee looga faaideysan karo kheyraadka badda.

Safiirku ma sheegin xilliga uu tegey Muqdisho, wuxuuse sheegay in Madaxweynaha Kenya uu wado dedaalo lagu xallinayo arrintan.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaan ka hadlin arrintan, isla marakana ma ay shaacinin kullanka uu safiirka sheegay in uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo xilliga uu dhacay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud oo dhowr maalmood kahor ka hadlay dib u dhigista dacwadda badda, ayaa sheegay in dowladda looga fadhiyo in shacabka ay siiso jawaab waafi ah oo ku aadan waxa ku dhacay dhageysiga dacwadda badda oo mar labaad dib loo dhigay todobaad ka hor.

“Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiilay maxkamada ICJ? Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu dhigay?”ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ku daabacay bartiisa Twitter-ka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale is weydiiyay in dib u dhigista dacwadda badda ay tahay mid hordhac u ah in meel aan maxkamada ahayn lagu galo dacwada.

Maxkamadda, ayaa horre u sheegtay in dhageysiga dacawdda la qaban doono bisha Nofeembar ee sandkan, balse ka dib dalab kale oo Kenya ay gudbisay waxay amaraty muddo hor leh oo ah badhtamaha sannadka soo socdo dib loo muddeeyo