Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Washington(ANN)-Doodo kulal ayaa ka dhasahay kadib markii dalka Maraykanku noqday kii ugu dhimashada badnaa ee caabuqa Coronavirus ee dunida ku baahay, iyadoo tiradii ugu badnayd maalin keliya ugu dhimatay dalkaa.


Maraykanka ayaa diiwaangeliyay in ka badan 20,000 oo kiis COVID-19, ah tan iyo markii uu cudurka dilaaga coronavirus uu ka bilowday, taasoo ka saraysa tirada dalka Talyaaniga oo ah dalka ugu badan ee tirada dhimashada la xaqiijiyay.

Marka loo eego warbixinta tirada dhimasada ee ay soo gudbisay jaamacadda Johns Hopkins University, illaa iyo hadda 20,463 qof ayaa ku dhintay guud ahaan Maraykanka marka la barbar dhigo 19,468 oo caabuqa Coronavirus ugu dhintay dalka Talyaaniga.


Jaamacadda Johns Hopkins, ayaa sidoo kale sheegtay in dalka Maraykanka 526,396, qof la xaqiijiyay kiisaska caabuqa, kuwaas oo ka dhigaya tiradii ugu badnayd ee dal keliya lagu arko intii caabuqa COVID-19.

AKHRI: Maraykanka: khuburada Sayniska, Xeel-dheerayaasha xannuunada Faafa Iyo Saraakiisha Caafimaadka Oo isku Murgay