Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
By. Araweelo News Network Associated Online Agencies
Reading Time: 2 minutes
Muqdisho (ANN) – Afduub ayaa lloo geystay Markab sida shixnad shidaal, kaas oo lala xidhiidhiyay Budhcad-badeed Soomaali ah, kuwaas oo afduubay Markabka oo ah nooca booyaddaha shidaalka qaada ah oo marayey xeebbaha Waqooyi-bari ee dalka Soomaaliya ee usii jeeda indian ocean.
Ciddamada badda ee dawladda Uk iyo saraakiisha Maxaliga ah ee deegaanka Afduubku ka dhacay, ayaa xaqiijiyey in budhcad-badeed Soomaali ah ay afduubeen Markab nooca shidaalka qaada ah, kaasi oo marayey inta u dhaxaysa Xeebaha Xaafuun iyo Bander-bayla ee deegaannada Maamulka Puntland ee Soomaaliya.
Markabkan oo laga leeyahay Pakistan, ayaa markii shidaal geeyay Dekedda Berbera ee Somaliland, waxaanu xilliga la afuubayey ku sii jeeday Dekedda Magaalada Muqdisho ee Somalia, sida Wakaaladda Wararka ee AP ka soo xigatay sarkaal ka tirsan ciidamada xeebaha ee Maamulka Puntland ee Soomaaliya.
Sarkaalka Ciidamada badda Puntland, ayaa sidoo kale AP u sheegay inay Afduubka fuliyeen lix nin oo hubeysan, kuwaasi oo ka soo jeeda degmada Bandarbeyla ee Puntland.
Ciidamada Uk u qaabilsan amniga ganacsiga badda, ayaa iyaguna war ay soo saareen ku sheegay inay Maamulka Markabka shidaalka la wareegeen rag hubaysan.
Aduubka oo dhacay Arbacadii Toddobaadkii hore, ayaa muujinaya inay dib u soo laba-kaclaayeen budhcad-badeeda Soomaalida oo falalkooda laga nastay sanadihii u dambeeyay.
Afduubka Markab, ayaa imanaya Maalin kooban ka dib, markii dawladda Soomaaliya sheegtay inay xidhayso marinka Beb Al-mendeb, wallow ay awoodi wayday inay xeebaheeda ka ilaaliso kooxaha budhcad-badeedda ah.
Sidoo kale, dawladda Turkiga ayaa iyaduna hore u sheegtay inay Somalia ka caawinayso amniga badda, laakiin arrinta dhacday ayaa muujinaysa in aanay jirin awood muuqata oo ay kaga hor-tagto falalka noocan ah ee saamaynaya amniga guud ee isku socodka gaadiidka badda.
Afduubka Markabka ayaa noqonaya kii koowaad ee xeebaha Soomaaliya lagu afduubo intii ka dambaysay dagaalka Iran iyo Maraykanka iyo Israel, kaas oo saameeyay amniga marinma Hormuz oo Iran muddo toddobaadyo ah xidhay. Sidoo kale saamayn ku yeeshay Badda Cas iyo Beb Al-mendeb, iyadoo Maraykanka lagu eeddeeyay inuu xildhibaanka Iran ee Hormuz dhankiisa u addeegsaday falal amniga Badda ku lid ah oo lagu macneeyay dhaqan budhcadbadeed, kadib markii Ciidamada Badda ee Maraykanku jidgooyo u galeen gaadiidka gelaya iyo kuwa ka baxaya Dekeddaha Iran.


