Araweelo News Network

>Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Iyo Madaxweynihii Axmed Siilaanyo Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Galaydh

>Dawladda Federaalka Oo Qorshaynay In Muqdisho Lagu Aaso

Jigjiga Ethiopia (ANN)- Hoggaamiyihii caanka ahaa Khaatumo, isla markaaana hore usoo noqday R a’iisal wasaarihii dowladdii ku-meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galaydh,  ayaa ku geeriyooday magaaalda Jigjiga ee deegaanka Soomaalida dalka Ethiopia.

Geerida Cali Khaliif Gallaydh oo maanta la xaqiijiyay, waxa madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia Musatafe Cag-jar u saaray guddi si aas qaran loogu sameeyo, iyadoo markii la maqlay geeridiisa kolanyo gaadiid oo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, siyaasiyiin axsaabta Somaliland ah iyo qaar ka mid ah Eheladiisu ka boqooleen magaalada Hargeysa iyagoo usii jeeda magaalada Jigjiga.

 

Cali Khaliif Gallaydh oo dhowaan tagay magaalada Jigjiga ayaa la sheegay inuu ku xanuunsaday cunto, isla marlaana fuuq-baxay oo macaankiisu hoos u dhacay, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Cali Cantar oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI.

Xukuumadda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa dhankeeda qorshaynay in Maydka Marxuumka loo qaado dhinaca Magaalada Muqdishio, balse weli ma cadda halka maydka marxuumka la geyn doono, waxaase socota qabanqaabada aaskiisa, iyadoo sidoo kale ehellada iyo mas’uuliyiinta Soomaalida ay ka wada hadlayaan halkii lagu aasi lahaa.

Madaxweynehii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen Maxruumka muddo dheerna usoo wada shaqeeyeen dawladdii Soomaaliya, ayaa ka hadlay geerida Marxuum Cali Khaliif, wuxuu ka taxcsiyeeyay qoyskii, Eheladii, asxaabtii, bulshadda Somaliland iyo Soomaalidaba, isagoo u rajeeyay marxuumka in Allah u danbi-dhaafo.

AKHRI: Sideed Qodob Oo Kasoo Baxay Wada-Hadaladii U Dhexeeyay Xukuumadda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo Ee Uu Hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh

Axmed Siilaanyo, wuxuu ku sifeeyay marxuumka siyaasi aqoonyahan ah oo ummadiisa usoo shaqeeyay, isla markaana ahaa hoggaamiye jecel nabada iyo horrumarka dadkiisa iyo dalkiisa oo door weyn kasoo qaatay dib-u-dhiskii iyo nabadayntii Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhanbaal tacsi ah, ku sheegay in isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, isla markaana ka tiiraanyaysan dhanbaal tacsi ah u diray, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Prof. Cali Khaliif Galaydh oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 08/10/2020 caasimada Dawlad Deegaanka Soomalida ee Jigjiga.

READ MORE: Ethiopian Government has exiled leader of Khatumo state of Somalia Ali Galaydh

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey rug-cadaa waaya-araga oo ku xeel dheeraa arrimaha siyaasada, isla markaana door weyn ka soo qaatay Aasaaska iyo dhismii dalka Jamhuuriyada somaliland, wuxuuna taariikh weyn ku lahaa sooyaalka taariikhda ummadda afka Soomaaliga ku hadasha khaasatan taariikhda Jamhuuriyada Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Allah uga baryayay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

AKHRI: Prof.Galaydh Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Siyaasadeed Ee Ku Waajahan Somaliland Iyo Puntland