xirsi

            Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan

Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa wasiiro safar ugu maqnaa Dalka Ethopia, isla markaana ka qaygalay kulan lagaga hadlayay mashruuca aan midha dhalin ee wadiiqada Berbera Corridor oo dhawr iyo tobankii sanadood ee u danbeeyay ay ka wada hadlayeen Somaliland iyo Ethiopia, ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay kulan lagaga hadlay mashruucaa oo ka dhacay dalka Ethiopia.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo safarkaa uu ku weheliyay Wasiirka Qorshaynta Qaranka, ayaa maanta kasoo degey garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport, wuxuuna Wasiir Xirsi oo Warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee VIP ka warbixiyey safarkii ugu maqnaaa wadanka Ethopia iyo shirarkii ay la sheeyeen Dawlada Dalkaasi.
Waxa uu xusay inay is arkeen Wasiiro ka tirsan Xukuumada Ethopia, kuwaas oo sida uu sheegay ay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa Dhismaha Wadada isku Xidhi doonta Berbera iyo Addis Ababa ee mashruuca (Berbera Corridor), Waxaana Wasiirka Kulankaasi ku wehelinaayey Wasiirka Arimaha Dibada Md: Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ethopia Maxamuud Aadan Jaamac, Wasiir xirsi ayaa xusay inay muhiimad weyn wadadaasi u leedahay xidhiidhka ganacsiga iyo isu socodka labada waddan ee Somaliland iyo Ethopia, wuxuuna xusay in wadada dhawaan la bilaabi doono oo ay sidaa isku soo afgarteen masuuliyiintii ay shirarka la yeesheen ee dhinaca Ethiopia.

Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa ka jawaabay su’aalo ay saxaafadu waydiisay kuwaasoo la xidhiidhaayey eedo ay qaar kamida xildhibaanada baarlamaanku usoo jeediyeen xukuumada kuna dhaliileen inay dhaxal wareejinayso Dekada sidoo kalena ku mashquushay Dayactirka Wadooyinka, Wasiir Xirsi ayaa dhaliilahaasi ganafka ku dhuftay wuxuuna xusay inay xukuumada Madaxweyne siilaanyo aanay ku koobnayn Dayactirka wadooyinka balse ay tahay Xukuumadii ugu horaysay yagleesha wadooyin cusub oo tiro badan sidoo kale wuxuu xusay in Dekada Berbera wakhtigii hore lacagta lagaga soo qaadi jiray shandad lana keeni jiray Madaxtooyada balse haatan ay ku dhacdo khasnada dawlada ee Wasaarada Maaliyada, isla markaana aanu jirin wax musuq maasuq ah.

Mashruuca Wadada (Berbera Corridor) ayaa dhawr iyo tobankii sanadood ee u danbeeyay ahaa mid ay Xukuumaddihii soo maray Somaliland iyo Ethiopia ka wadda hadlayeen, isla marakaana marar baddan kulamo ka yeesheen masuuliyiin ka socota labada dhinac, kuwaas oo mararka qaar warbaahinta u sheegay in heshiisyo la xidhiidha ay wada gaadheen, kuwaas oo ay ku sheegayeen inay kor u qaadayaan xidhiidhka ganacsiga iyo iskaashiga labada dal ee Somaliland Iyo Ethopia.

Mashruuca Berbera Corridor oo la saadaalinayo haddii laga dhabeeyo inuu noqon doono mid wadiiqo u noqda marinka istiraajiayda ganacsiga iyo horumarka Somaliland iyo Ethopia ayaa weli qabyo ah oo aanay waxba ka fulin, balse waxa la eegayaa halka uu ka dhamaadaan kulamada Madaxda Somaliland  iyo Ethiopia ee mashruucaa iyo xilliga uu rumoobo.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.