Araweelo News Network

muuqaal dad ku jira safafka diiwaangelinta

Hargeysa (ANN)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in dawladda Somaliland ay xabsiga dhigtay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal iyo xubno ka tirsan hawlwadeennada Komishanka Doorashooyinka oo lagu qabtay inay kala iibsadeen kaadhadhka codbixiyeyaasha oo tiradoodu dhan tahay ilaa 700 (toddoba boqol) oo kaadh.
Afhayeenka xisbiga WADDANI, ahna mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland Md. Ibraahim Mahdi Buubaa oo saxaafadda la hadlay, ayaa ka codsaday Komishanka Doorashooyinka in sida ugu dhakhasaha badan maxkamad sharci ah loo horgeeyo xubnaha loo haysto inay iibsadeen kaadhadhka codbixiyeyaasha.
“Wuu xidhan yahay (Guddoomiyaha KULMIYE ee Gobolka Salal) iyo laba xubnood oo kale oo ka tirsan hawlwadeenada Komishanka Doorashooyinka, baadhitaankiina wuu ku socdaa, waxaanan rajaynayaa haddii Ilaahay yidhaah in maxkamad la soo taago oo go’aan kama dambays ah laga soo saaro arrintaas inta aanay qaybinta kaadhadhku ka bilaabmin Gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer,” ayuu yidhi Md. Ibraahim Mahdi Buubaa.
“Axsaabta qaranka dhammaantoodba waxa ku waajib ah in sida sharcigu dhigayo ay la shaqeeyaan, wax musuqmaasuq ah iyo fadeexado noocaas oo kale ahna aanay gelin, eedaasna xisbiga KULMIYE wuu leeyahay, weliba (ninka xidhan) maaha Guddoomiye oo kaliya ee waa xildhibaan KULMIYE ah oo ka tirsan Golaha Degaanka Saylac, waxa sidoo kale jira xubno ka mid ahaa shaqaalihii Komishanka Doorashooyinka ee Gobolka Saaxil laga soo xidhay, laguna eedeeyey dambi kaas (iibinta kaadhadhka codbixinta) la mid ah,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga WADDANI.
Md. Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa sidoo kale sheegay inay guul tahay in gacanta lagu hayo xubnaha kaadhadhka iibiyey, waxaannu yidhi; “Waxa guul ah in aanay u suurtogelin (xubnaha la idhay) ee musuqmaasuqa sameeyey, KULMIYE ha wado amma qaar ka mid ah shaqaalaha Guddida Doorashooyinka ee la dhaariyey ee goobaha ka shaqaynayey faraha ha la galaane in aanay baxsan oo kaadhadhkii iyo iyagiiba la isku qabtay, gacantana lagu hayo, Komishanka Doorashooyinkuna ka shaqaynayo markhaatiyadii u dambeeyey oo ay ku xidhan yihiin xarunta CID-da (waaxda dambi-baadhista), lana horgaynayo Maxkamaddda sida ugu dhakhsaha badan, taas ayaana Somaliland guul u ah, hannaanka doorashada ee Komishanku wadana guul u ah, sidaas oo kale ayeyna ku dambayn doonaan ciddii kale ee isku dayda inay iibiso kaadhadhka codbixiyeyaasha ee muwaadiniinta, haddii ay yihiin shaqaalaha Komishanka Doorashooyinka iyo xisbiyadaba, fool-xumadaa iyo ceebtaasna ay xambaaran doonaan.”
Waxa kaloo uu ku eedeeyey xukuumadda KULMIYE in aanay diyaar u ahayn inay la shaqayso Komishanka Doorashooyinka Qaranka si hawlaha qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha iyo doorashada madaxtooyaduba ay dalka uga qabsoomaan si xor iyo xallaal ah, laguna wada kalsoon yahay, isagoo ugu baaqay xukuumadda inay la shaqayso Guddida Doorashooyinka Qaranka.